Senator Cisman Abokar Dubbe, ahma wasiirka warfaafinta XFS ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Senatorka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ,waxa uu ka hadlay qorshahiisa hogaamineed ,isagoo xaqiijiyay in aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay siyaasadda ay keeni karto in wax badan oo horumar ah uu ku biiriyo maamulka Aqalka Sare.
Cisman Abokar Dubbe ayaa intaa ku daray in Aqalka Sare ay horyaalaam waajibaad culus,sidaa daraadeedna ay lagama naarmaan tahay in la helo tababaer iyo aqoon guud oo lagu kordhiyo howlaha maamulkaasi.
Dubbe,waxa uu tilmaamay in uu ku shaqeyn doono daacadnimo iyo raadinta danta dadka iyo dalka,isagoo dhinaca kalena caddeeyay in aysan jirin cid kala goyn karta umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.