Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa iney Golaha Aqalka sare ansixiyaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa iney Golaha Aqalka sare ansixiyaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 2-aad ku yeeshay xarunta Golaha ayaa waxay warbixin akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka kaga dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyees Cali Xasan.

Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Maalinta Axada ee soo socoto ayuu sheegay in Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaa Hindise sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka markaasi oo ay goob joog ka noqon doonaan Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka Golaha Aqalka sare Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in meel marinta sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu rajo wanaagsan ka muujinayo in maalinta axada xubnaha Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaan si loo dhaqan geliyo.

Sida uu qabo sharcigan, waxaa la dhisi doonaa hay’adda maareynta Kheyraadka Biyaha Qaranka oo mas’uul ka noqonaysa qorsheynta, maareynta, isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Waxaa uu sharcigu siinayaa awoodaha ay u baahan tahay si ay u fuliso waajibaadkeeda.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qabta helida Biyo tayo leh oo nadiif ah waliba ay ku helaan qiimo jaban,waxayna Dowladda Federaalka wadaa sidii arrintaasi ku suurta geli lahayd.

Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa iney Golaha Aqalka sare ansixiyaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”+Sawirro

Previous Post

Gudoomiye Tuulax “Suuqa Bakaaraha waa inay noqotaa goob burcadda ka caagan oo ganacsatada nabadgelyo ku shaqeystaan”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In