Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Senator Xasan Iidow Kobac oo ka mid ah Senatarada laga soo doortay Hirshabeelle ayaa hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.

“Hambalyo ayaan u dirayaa Walaalkeyga Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilka loo magacaabay, waana uu mudnaa, waqti ku haboon ayaana xilka loo magacaabay”. Ayuu yiri Senator Xasan Kobac.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Senator Kobac ayaa xusay in iyagoo badan ay booqasho ugu tegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu hambalyeeynayeen xilka, ayna ka wada hadleen arrimo ay ka midtahay dowlad dhiska dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Madaxda cusub ee dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Senator Xasan Iidow Kobac ayaa ka dhawaajiyay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyaahannada iyo qeybaha bulshada ee uu ku matalo kursiga, kuwaasi oo uu kala hadlay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo taageerada dowladda., isagoo tilmaamay inay matalaad dhab ah ku yeelan doonaan geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In