Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senetar Xasan Kobac oo baaq u diray Hay’adaha samafal ka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Senetar Xasan Kobac oo baaq u diray Hay’adaha samafal ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Senator Xasan Iidow Maxamed (Kobac) oo ka mid ah Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta deegaannada Maroodile iyo Bar-Fiiqi gaarsiiyay gargaar biyo dhaamin ah, taasoo uu uga jawaabayay xaaladda biyo la’aanta ee ka taagan magaalada Farlibaax iyo deegaannada hoostaga.

Dhallinyarada iyo culimada uga wakiilka ah Senator-ka howlaha loogu gurmanayo qoysaska biyo la’aanta ah ayaa gaarsiiyay halkii loogu talagalay, iyadoo shacabku ay ka mahadceliyeen.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Senator Xasan Iidow Maxamed (Kobac) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xusay in Degmada Farlibaax iyo deegaannada ku xeeran ay xilligan ka jirto biyo la’aan baahsan, islamarkaana aysan ku filneyn biyaha hadda loo shubayo.

Senetar ka ayaa tilmaamay inay jiraan Hay’ado kala duwan oo uu ksla hadlay wax ka qabashada xaaladaha beni’aadannimo ee ka jirta Farlibaax.

“Waxaan markale cod dheer ugu baaqayaa Hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed inay u gurmadaan walaalahood ku dhibaateysan degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan”.ayuu yiri Senator Xasan Kobac.

Maalintii 3aad ayuu Senator Xasan Iidow Maxamed (Kobac) deegaannada Maroodile iyo Bar-Fiiqi gaarsiiyay biyo, mana jirto cidkale oo gurmatay bulshada halkaas ku dhaqan.

 

Previous Post

Ciidanka Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Danjire Jabriil oo Mombasa uga qeybgalay Tartan Qur’aan akhris ah

Next Post
Danjire Jabriil oo Mombasa uga qeybgalay Tartan Qur’aan akhris ah

Danjire Jabriil oo Mombasa uga qeybgalay Tartan Qur'aan akhris ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In