Mamulka magalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug iyo shacabka magalada oo iskaashanaya ayaa billabay ol ole nadaafadeed oo kor loogu qaadayo bilicda magalada.
Gudomiyaha magaalada Nuur Climi Garre ayaa wada qorsheย kor loogu qaadayo bilicda magalada oo dhowan la filayo iney ka dhacdo doorashada Galmudug.
Gudiyada xaafadaha magaalada iyo shaqaalaha dowlada hoose ee Dhuusamareeb ayaa gaadiid ku daabulay qashin fara badan oo laga aruuriyay bartamaha magaalada iyagoona ugu dambeyntii geeyay banaanka magaalada oo ugu dambeyn lagu gubay.
Dhanka kale deegaano badan oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka ayaa maanta waxaa ka curtay roobabka gugda oo ay dadka iyo duunyada goboladaasi aad ugu baahnaayeen.