Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay booqashada uu dalka ku imaanayo Madaxweynaha Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay booqashada uu dalka ku imaanayo Madaxweynaha Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhoweeyey una diyaar garoobay booqashada maalina Axadda ah uu caasimadda ku imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, iyaga oo ku sugan meelo kala duwan oo ka mid ah caasimadda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada maalinta berri uu Muqdisho ku imaanayo Madaxweyne Raccep Tayyio Erdogan, iyagoo tilmaamay in uu ahaa mas’uul ay abaal u hayaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Qaar ka mid ah dadkii la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Shalay waxa uu na soo booqday anaga oo ku jirno xaalad adag oo ah abaar iyo macluul, runtii waxa uu dunida tusay in Muqdisho la soo booqan karo, maanta isaga oo Madaxweyne ah in uu na soo booqdo sharaf weyn ayay noo tahay, mashaariic kala duwan ayuuna u horseeday in dalka laga hirgeliyo, runtii annaga farxad weyn ayay noo tahay, waayo wax weyn ayuu dalka ka hirgeliyay, aniga shacabka Soomaaliyeed ee walaalaheyga ah waxaan ugu baaqayaa inay muujiyaan dulqaad inta lagu guda jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga oo ay xiranyihiin waddooyinka qaarkood, si aan u ilaalino sharafka shacabka Soomaaliyeed iyo kan Qaranka”

Sidoo kale Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ayaa soo dhoweeyey booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku imaanayo magaalada Muqdisho maalinta berrito ah, iyagoo ka codsaday shacabka inay tixgeliyaan hay’adaha amniga ee ku shaqada leh sugidda Nabadgelyada si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab.
Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka ayaa booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana aysan Ummadda Soomaaliyeed lloobi doonin waxqabadka dowladdiisu ay sameysay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Turkiga mudane Raccep ayaa 19-kii August ee sanadkii 2011-ka booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho isagoo xilligaasi ahaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga, waxaana tani ay u noqoneysaa markii labaad oo uu dalka booqasho ku yimaado, isagoo lagu wado in xariga uu ka jaro mashaariic horumarineed oo ay dowladda Turkiga ka hirgelisay caasimadda.

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga oo Mashaariic Horumarineed ka hirgaliyay Jabuuti

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In