Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxay ahayd, habeen Jimca ah, 21 kii January oo ku beegneyd todobaadkii ina dhaafay, qaar badan oo ka mid ah dadkii ku sugnaa, Maqaayadda uu Weerarka ka dhacay ee Liido See Food, waxa ay dhawrayeen gudashada Waajibaadka Salaadda Cishaha oo daqiiqado kadib la gali lahaa,

Hooyooyin, Caruurtooda ku farxad galin lahaa Xeebta Liido ayaa ku sugnaa qaybta dambe ee Maqaaxidda, si habeen kaas Jimca ah ay u dareemaan, neecaawda iyo Udgoonka Badda,

Related posts

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Dhalinyaro intooda badan Ixtixaanadii Jaamacadahaย  u soo idlaaday ayaa qayb ka ahaa dadkii nasiinada u joogay Liido, si daganaasho maskaxeed ay u dareemaan,

Waxaase farxaddii iyo dareenkii la qabay mar qura baddalay, dhawaqa Qarax gilgilay quluubta inta badan dadkii Xamar ku sugnaa, iskaba daa kuwii habeenkaasi Liido farxadda u soo doontay,

Qof kastaa oo ka mid ah dadkii Maqaaxidda ku sugnaa, waxa uu aaday Jihada uu islahaa waad ku baddbaadeysaa, waayo badankoodd waxa ay rumeysnaayeen in weerar ku soo xigo qaraxa dhacay,

Waana sifooyinka qallafsan ee ay argagixisadu ka barteen waqtiyo badan lakin caruurtii haben kaasi maqaaxidda ku sugnaa ma garan Karin, waxa dhacay iyo waxa xiga, wayse dareemeen in farxaddii ay ku jireen ay is badashay.

Hooyooyinkii goobta ku sugnaa, naftoodii ka sokoow, waxa ay u walwaleen habeen kaasi Caruurtoodii ay farxadda u keeneen kadib markii qaarkoodd ay afka labadii yeeriyeen, ileyn Hooyo marwalbaa way naxariis badan tahay.

Waxaase u xigay, rasaas jiha walbaa kaga timid.

Hooyooyinka qaar waxey fursad u heleen, in caruurtoodii la cararaan, si ay gabbaad ugu helaan.

Qaarbaase dusha aadiyay kooxihii rasaasta soo ridayay, iyagoo laabta ku haysta caruurtooda, si rasaasta lagu soo ridaayo ay iyaga ugu ekaato, maxaa yeelay dareenka hooyanimo ayaa tilmaantiisu sidaa tahay.

Waxaanse is waydiiyay, maxaa garashada iyo caqliga ka qaaday kooxaha weerarka soo qaaday?

Qof ka mid ah dadkii habeen kaasi goโ€™doomay ayaa ii sheegay in dhawaqa rasaasta iyo kan caruurta uu si isku mid ah u maqlaayay ilaa dhawr daqiiqo.

Mar kale Ayaan hadana is waydiiyay, war dhagar qabuhu miyaanu ahayn noole uu alle naxariis galiyay maxaa u diiday in dareenkiisu hal daqiiqo xitaa shaqeeyo dhawaqa caruurtaasi yar darteed?

Waxaan maleeyay hadana in dhagaxyo sidaย  Computer ka oo kale rimuud laga hago in ay yihiin raga weerarka soo qaaday mar hadaanu damqasho yar soo galin, waxaase xaqiiqsaday mar kale markii aan arkay Maydadkooda oo ciidanka amnigu ay dileen.

Ciidankii amniga ee u gurmaday badbaadinta la haystayaashii argagixisadu goโ€™doomisay ayaa goobta isku gidaamay weerarkii kadib, si ka hor intaanu gudaha u galin xarunta uu weerarka ka socdo ay u qorsheeyaan habka cadawga loo wajahaayo,

Waxaase igu maqaalaa, in qaar ka mid ah Ciidanku maqleen dhawaqa canug yar oo hooyadii ka dul barooranaayo, Ilmo ayaa soo dhaaftay askartii hawlgalka soo aaday qaarkood, misana qaarbaaba is celin waayay Uur xumada meesha taala darteed, waxeyna u daateen goobtii uu cadawga ku jiray si canuga yar ugu yaraan marka hore loo badbaadiyo,

Waxaase hubaal ah, in aan marna la is garab dhigi Karin askariga baroorta canugaasi naftiisa kaga qiima badnaatay, iyo dhagar qabaha isagoo dhawaqa canugaas maqlaya rasaasta ku ridayay.

Argagixisadu, waaย  uun aan la aqoon

Waana aadane aan dareen la wadaagin

Inta Eebeheeyย  dunida uu keenay.

waxaana ku soo gaba gabeyn lahaa qormadeyda, waa xanuun aan la xamili karin, waa xaajo aan xisaabneyn, waana xasuuq Xagjiruhu ku soo shiray ee Soomaali dhoohaney xaalkiina yaa garan?

WD Mustaf Maxamed Warcaddeeye

Previous Post

Dibad bax loogu soo horjeedo Alshabab oo Liido lagu qabtay-Sawirro

Next Post

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geeridii Danjire C/llaahi Saciid Cusmaan

Next Post
R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geeridii Danjire C/llaahi Saciid Cusmaan

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In