Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shahaado sharaf la guddoonsiiyay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 5, 2015
in Wararka
0
Shahaado sharaf la guddoonsiiyay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad shahaadooyin iyo abaalmarino lagu guddoonsiinayay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo dalxiiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaanno, mas’uuliyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada iyo Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, waxaana intii ay socotay laga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay Wasaaraddu soo martay.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025

Agaasimaha Radio Muqdisho ahna Guddoomiyaha Guddiga Goobshaqo ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedka munaasabadda ay tahay dhiirigelin iyo abaalmarinno la guddoonsiinayo shaqaalaha Warbaahinta Qaranka oo ku muteystay howlkarnimo iyo shaqo wanaag oo ay muujiyeen.

“Kulan tifaftirayaasha iyo Madaxda kale ee Wasaaraddu isugu yimaadeen ayaa lagu soo xulay, intii laga tegay yeysan u arkin in la iloobay, balse tani waa ay sii soconeyso abaalmarinada lasiinayo shaqaalaha howlkarnimada muujiya, waxaana dadka shahaadooyinka la siinayo ku jira kuwa horey xilal uga soo qabtay Wasaaradda iyo kuwa kale oo ku muteystay garab istaaga iyo talo soo jeedinta Warbaahinta Qaranka” ayuu yirii Agaasime Cabdirixiin.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla oo goobta hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay madaxda ka soo qeyb gashay xafladda sida ay u ajiibeen codsigooda, waxaana uu intaa ku daray in howlwadeenada Wasaaraddu ay ku shaqeeyaan daruufo adag oo aysan la qabin shaqaalaha rayidka ee dowladda.

“Waxaan ka cudur daaraneynaa haddii ay jiraan shaqaale kale oo mudnaa in abaalmarinadan laga qeyb geliyo, runtii shaqaaluhu aad bay u fara badanyihiin, sida aad ogtihiin shaqaale ayaa u dhintay howshan aan hayno, kuwa waa ay u dhaawacmeen, marka taariikhda ayaa xusi doonto, howlaha aad bulshada u haysaan, waxaana idinku boorinayaa in aad labo jibaartaan howsha aad shacabka u haysaan ee la idin igmaday” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Agaasime Cadaalla.

Cabdiwahaab Macalin Maxamed Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha oo ka mid ahaa dadkii xafladda lagu casuumay ayaa sheegay in isagu uu aad ugu taxanyahay wararka iyo barnaamijyada ka baxa Raadiyaha iyo Telefishinta Qaranka, waxaana uu howlwadeenada ku guubaabiyay in ay shaqadooda ay si hagar la’aan ah u gutaan oo ay xoogga saaraan horumarinta afka hooyo.

Maxamed Cabdullaahi Sheegow oo horey Agaasime uga soo noqday Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, isla markaana ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta xilliga dowladdii dhexe ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka soo qayb galka xafladda, waxaana uu Madaxda iyo howlwadeenada ku booriyay sida ay u badbaadiyeen Keydka hadalka ee Radio Muqdisho oo ay ku jiraan taariikhda dalka.

“Aniga 50 sano ka hor ayaan halkaan ka shaqo bilaabay oo ah 1966-dii ilaa aan ka noqda Agaasime Guud, hoolkan aan maanta ku suganahay waa keydkii buugaagta oo cilmiga laga raacan jiray, marka waxaan idin leeyahay howsha halkiina ka sii wada” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Sheegow.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah rugcaddaa saxaafadeed ayaa tilmaamay in uu aad ula socda marxaladda adag ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka, waxaana uu dowladda ka codsaday inay ilgaar ah ku eegto howlaha ay bulshada ugu adeegayaan, si ay u helaan xuquuqdooda.

Cabdi Xaaji ayaa yiir “Anigu waxaan la socdaa sida aad ku shaqeyneysaa, waxaana idinka codsanayaa in aad labo jibaartaan dadaalkiina oo aad kobcisaan Afka hooyo, waayo halkani waa meesha kaliya ee lagu horumarin karo afka hooyo”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa tilmaamay in shaqaalaha Wasaaradda intee kale loo qaban doono xaflado lagu abaalmarinayo, isagoo howlwadeenada Warbaahinta Qaranka ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen howlaha loo igmaday.

“Afka Soomaaliga wuu nagu weynyahay, waxaana nalooga baahanyahay in aan xoojino oo aan sare u qaadno, kana shaqeyno horumarintiisa, waxaan markale u mahadcelinayaa sida aad nooga soo qeyb gasheen xafladdan lagu dhiirigelinayo shaqaalaha muteysay in lagu abaalmariyo howlkarnimadooda iyo shaqo wanaagga ay qabteen” ayuu yiri Agaasime Bahlaawi.

Axmed Dhimbil Rooble oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in raggii horey uga soo shaqeeyay Wasaaradda ay door muuqdo ka qaateen kobcinta afka hooyo, shaqaaalahana looga fadhiyo inay arrinkaasi xoogga iska saaraan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiisa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo soo xiray xafladda ayaa sheegay inay qaadanayaan talooyinka la soo jeediyay, waxaana uu kula dar daarmay shaqaalaha la abaalmariyay inay howsha halkooda ka sii wadaan, kuwa kalena ay ku daysadaan walaalahood maanta la abaalmariyay.

ugu dambeyntii waxaa xafladda shahaadooyin iyo abaalmarino la guddoonsiiyay 18 ka tirsan howlwadeenada Wasaarada Warfaafinta, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka, halka 2-da kale ay ahaayeen shahaado sharaf la siiyay mas’uuliyiin ku muteystay talo soojeedin ay horey u sameeyeen.

1. Cabdullaahi Maxamed Sheegow oo horey Agaasime uga soo noqday Radio Muqdisho
2. C/wahaab Macalin Maxamed oo lagu siiyay talo soo jeedin
3. Maxamedweli Xaaji Joon
4. Mustaf Maxamed Axmed “Warcadeeye”
5. Saciido Maxamed Caseyr
6. Maxamed C/xakiin Cilmi “Bunka”
7. Maxamed Ibraahim Raage
8. Fahad Cabdi Gaas
9. Feysal Muuse Maxamed
10. Nasro Bashiir Cali “Jabiiba”
11. Xaamud Ibraahim Xaamud
12. Cabdiweli C/laahi Xasan
13. Yuusuf Axmed Ibraahim “Yuusuf garabeey”
14. Maxamed Macalin Xasan “White-ka”
15. C/qaadir Maxamed Jaamac
16. Maxamed Xuseen Muuse
17. Cabdi Axmed Sheegow “Geelle”
18. Maxamuud Cabdi Diirshe oo uu u qaaday Yaxye Cali Faarax
19. Sh. Axmed Cali Cismaan
20. Cumar C/raxmaan Abuukar oo ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Wasaaradda Warfaafinta

Agasime Cabdirixin

CN7D0030

CN7D0035

CN7D0038

CN7D0047

CN7D0048

CN7D0049

CN7D0051

CN7D0053

CN7D0054

CN7D0055

CN7D0056

CN7D0057

CN7D0059

CN7D0060

CN7D0062

 

CN7D0070

 

CN7D0075

CN7D0077

CN7D0092

CN7D0095

CN7D0104

CN7D0106

CN7D0113

CN7D0123

CN7D0124

CN7D0125

 

CN7D0137

CN7D0140

CN7D0144

CN7D0146

CN7D0149

CN7D0153

CN7D0163

CN7D0165

CN7D0170

CN7D0174

CN7D0176

CN7D0192

CN7D0195

CN7D0217

CN7D0218

CN7D0368

CN7D0227

CN7D0228

CN7D0251

CN7D0270

CN7D0283

CN7D0287

CN7D0296

CN7D0307

CN7D0318

CN7D0323

CN7D0331

CN7D0336

CN7D0337

CN7D0347

CN7D0352

CN7D0361

CN7D0364

CN7D0365

CN7D0366

CN7D0370

CN7D0371

CN7D0372

CN7D0373

CN7D0374

CN7D0379

CN7D0387

CN7D0390

CN7D0397

CN7D0398

raage

CN7D0399

CN7D0405

CN7D0407

CN7D0411

CN7D0413

CN7D0419

CN7D0421

CN7D0422

CN7D0429 />

Sawir Qaade:- Cabdiqaadir Muxudiin Khaliif iyo Muuse Cismaan Abtow

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Midowga Yurub oo Taageeraya Horumarinta Waaxda Tamarta Soomaaliya:-War-Saxaafadeed

Next Post
Midowga Yurub oo Taageeraya Horumarinta Waaxda Tamarta Soomaaliya:-War-Saxaafadeed

Midowga Yurub oo Taageeraya Horumarinta Waaxda Tamarta Soomaaliya:-War-Saxaafadeed

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In