Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa wali si habsami leh kaga socota magaalada Jowhar iyadoo isla maanta la doortay ilaa iyo Shan Mudane oo ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaannada ku soo baxay kuraasta Aqalka hoose ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka, halka sidoo kale ay jiraan xubno cusub oo doorashadaan kusoo baxay, waxaana ay kala yihiin xildhibaanada la doortay.
1. Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
2. Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
3. Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4. Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5. iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.
Doorashada golaha Shacabka ee ka socota Qaybo badan oo ka mid ah dalka ayaa haatan maraysa meel aad u wanaagsan waxaana dhowaan loo diyaar garoobayaa xildhibaanada cusub ay yeeshaan fadhigooda ugu horeeya.