Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha rayidka ee Puntland oo mushaar kordhin loo sameeyay”SAWIRRO”

admin by admin
January 9, 2021
in Wararka
0
Shaqaalaha rayidka ee Puntland oo mushaar kordhin loo sameeyay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay lagu qabtay munaasadda xuska 8-da January oo ku beegan sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaaan Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa munaasabadda kaga qeybgalay hoolka cusub ee xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybagalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadeen, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee DFS, goleyaasha maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa  hadaljeedintiisa taariikhiga aheyd ee xalay ku xusay, waxyaabaha laga qabtay dhinacyada Amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in laga billaabo sanadka cusub Bisha koowaad ay dowladdu hirgelinayso mushaar kordhin ay u sameysay Shaqaalaha rayidka ah, taas oo aad loo bogaadiyey, Dowladda ayaa ugu kordhisay mushaharka Goleyaasha dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo weliba Ciidamada.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah  Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland oo lagu abaalmariyey howlkarnimadooda.

Previous Post

Shirkada Twitter oo xirtay bartii Trump uu ku lahaa

Next Post

Wasiirka Amniga XFS oo carruurta Agoonta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u fulinaya ballan-qaad uu u sameeyay

Next Post
Wasiirka Amniga XFS oo carruurta Agoonta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u fulinaya ballan-qaad uu u sameeyay

Wasiirka Amniga XFS oo carruurta Agoonta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u fulinaya ballan-qaad uu u sameeyay

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In