Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku soo xiray tababar socday saddex maalmood oo cinwaankiisu yahay ( Wacyi-gelinta iyo Baahinta Dastuurka ).

Munaasabadii xiritaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka midyihiin Khaalid Cumar Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa ugu horeyn bogaadiyay waaxda qorsheynta sida habsamida leh ee ay u soo diyaarisay tababarkan iyo maadooyinka, sidoo kale dadkii wax ka dhigayay iyo kuwii ka faa’ideystay, iyadoo Wasiirku si gaar ah u xusay dhalinyaradii dhowaan ku soo biirtay Wasaaradda oo tababarkan fursad u ahaa, si ay u fahmaan ugana qeyb qaataan horumarinta dastuurka.

“Shaqada Wasaradda Dastuurka ma aha qorista Dastuurka oo kaliya ee waxay ka shaqaysaa arrimaha Dastuurka, waxay la shaqaynaysaa Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo akhrinta Dastuurka, waxaana ansixiyay baarlamaanka, waana guddi qaran, waxaa kaloo la shaqeyneynaa Guddiga la socodka arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka” ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Cadaaladda.

Siiyaha Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa hadalkiisa ku daray “Dastuurkan aan ka hadlayno ee shacabka Soomaliyeed yeelan doono waa in uu ka madax banaanaadaa faragalinta shisheeye, kutagri falka iyo kaligii talisnimo, markii ay dadku dawladnimo soo xusuustaan wal wal iyo cabsi ku reebi jirtay, waa inuu ka baxsanaadaa fawdadii iyo reerkayga ayaa saan ah iyo kooxdayda ayaa sidan ah, isla markaana uu dastuurku yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin”.

Sidoo kale Sii hayaha Wasiirka Cadaalladda iyo Dastuurka ayaa soo dhoweeyay doodaha iyo dhaq dhaqaadyada bulshada ee ka socda dalka, kuwaasoo ah qaab nabadeed ku socda, isagoo ku tilmaamay inay tahay albaab cusub oo u furmay ummadda Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay kaalinta dumarka ee ku aadan horumarinta Dastuurka iyo qeybaha hey’adaha dowladda ayuu soo dhoweeyay, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in maanta tirada gabdhaha in ay soo badanayaan, isla markaana uu rajeynayo in tiradoodu intan ka sii bataan.

Tababarkan ayaa ka mid ahaa tababarada qorsheysan ee ay Wasaaraddu u diyaarisay tayeynta shaqaalaha Wasaaradda iyo diyaarinta qaabka ugu haboon ee looga qayb galin karo bulshada qayba heeda kala duwan horumarinta arrimaha Dastuurka.

IMG_1154

IMG_1183

IMG_1195

IMG_1226

IMG_1239

SAM_0498

SAM_0499

Previous Post

Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Next Post

Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Next Post
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In