Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaali shaqooyinkooda  laga ceyriyay dalka Mareykanka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Soomaali shaqooyinkooda  laga ceyriyay dalka Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad  200 oo shaqaale oo intooda badan ay Soomaali yihiin, ayaa shaqooyinkooda ka ceyrisay shirkad hilibka soo saarta oo ku taala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka kadib markii ay cabasho ka muujiyeen in maamulka shirkadda ay u diideen in ay dukadaan salaada xilliga shaqada sida ay sheegeen Khamiistii la soo dhaafay koox u dooda dadka Muslimiinta ah.

Golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka oo loo soo gaabiyo CAIR ayaa sheegay in shaqaalahan maamulka shirkadda CARGIL ay ula dhaqmeen si faquuq ah  iyo cunsiriyadnimo ay ku jirto, shirkadan ayaa meel 75 mile u jirta ku taala  magaalada  Denver dhinaca waqooyi bari kaga beegan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Jaylani Xussen, oo ah afhayeenka  golaha CAIR,  ayaa muuqaal uu YouTube  soo dhigay waxaa uu ku sheegay in kooxdan shaqaalaha ah ay la kulmeen xanibaan ku aadan gudashada waajibaankooda alle, “taas oo socotay muddo aad u dheer.”

“dhamaan shaqaalaha waxaa ay ahaayeen ku aad u wanaagsan, mana jirin wax kale” ayuu yiri Xuseen.

Waxaana uu intaa raaciyay in muranka  uu yimid ka dib markii isbedelo dhanka siyaasadda shaqada ah ay soo rogeen maamulka Cargill kaas oo ku aadan goobta shaqada iyo gudashada salaada.

Mike Martin, oo u hadlay xafiiska shirkadda  Cargil ay ku leedahay magaalada Minneapolis, ayaa sheegay in muranka  uu yimid markii shirkadda ay wax ka bedeshay shuruucda taas oo aan isbedel lagu sameyn ilaa sanadkii 2009.

“Cargill waxaa  ay sameysaa isku day xili kasta ah kaas oo fursado siinaya dadka diintooda  si looga fogaado is maandhaaf isla markaana ganacsiga soo saarsita hiilbka shirkadda aan dhibaato ku keeneynin,”  ayuu yiri .

Isagoo sidoo kale tilmaamay in sharciyada shirkadda ay yihiin kuwo dabacsan oo shaqaalaha u ogolaanaya in ay salaadooda dukadaan taas oo ku xiran  qeybaha ay ka howlgalaan lana xiriira shaqo maalmeedka shirkadda.

Martin ayaa sheegay  ku dhowaad 200 oo shaqaale ay ka maqanaayeen shaqadooda muddo sadex todobaad  oo xiriir ah isla markaana ay ku guul dareysteen in ay soo wargeliyaan maamulka shirkadda.

Maamulaha shirkadda ayaa la kulmay  qaar kamid ah shaqaalaha Soomaalida  iyo madaxda ururka shaqaalah kuwaas oo matalaya  ku dhowaad  2,000 saacadood shaqaalaha shaqeeya hase yeeshee waa ay ku guuldareysteen in ay xaliyaan muranka soo kala dhexgalay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Cargil.

Kadib markii 190 shaqaaale ay ku guuldareysteen in ay shaqada yimaadaan  muddo sadex maalin oo xiriir ah , “ heerka  xiliga shaqada ayaa la soo saaray ”  waxaana shaqaalahaasi  laga ceyriyay shaqadooda waxaa sidaa sheegay, Martin.

Cumar Jamaal ,  oo ah agaasimaha fulinta gudiga xuquuqul insaanka Soomaalida,  ayaa sheegay in maamuliyaasha  Cargill aysan fahmin waqtiyada dadka muslimiinta ah ay u baahan yihiin in ay gutaan waajibaadkooda inta lagu guda jiro shaqada.

Jamal ayaa sidoo kale sheegay in ururkiisa uu xiriir la sameeyay shirkadda Cargil hadii  shaqaalaha Soomaalida   ay shaqadooda dib u heli karaan.

” waxaan ku rajo weynahay, in ay jiri karaan sharciyo cad cad oo u taagan qof kasta in uu xalin karo dhibaatada heysata ,”  ayuu mar kale yiri.

Cargill ayaa waxaa u shaqeeya 155,000 oo shaqaale oo ka howlgala 68  wadanka, sida laga soo xigtay website shrikadda.

Previous Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka warfaafinta oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobbaadka-Dhageyso

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”

Wasiirka warfaafinta oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobbaadka-Dhageyso

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In