Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaali shaqooyinkooda  laga ceyriyay dalka Mareykanka

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Soomaali shaqooyinkooda  laga ceyriyay dalka Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad  200 oo shaqaale oo intooda badan ay Soomaali yihiin, ayaa shaqooyinkooda ka ceyrisay shirkad hilibka soo saarta oo ku taala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka kadib markii ay cabasho ka muujiyeen in maamulka shirkadda ay u diideen in ay dukadaan salaada xilliga shaqada sida ay sheegeen Khamiistii la soo dhaafay koox u dooda dadka Muslimiinta ah.

Golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka oo loo soo gaabiyo CAIR ayaa sheegay in shaqaalahan maamulka shirkadda CARGIL ay ula dhaqmeen si faquuq ah  iyo cunsiriyadnimo ay ku jirto, shirkadan ayaa meel 75 mile u jirta ku taala  magaalada  Denver dhinaca waqooyi bari kaga beegan.

Related posts

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026

Jaylani Xussen, oo ah afhayeenka  golaha CAIR,  ayaa muuqaal uu YouTube  soo dhigay waxaa uu ku sheegay in kooxdan shaqaalaha ah ay la kulmeen xanibaan ku aadan gudashada waajibaankooda alle, “taas oo socotay muddo aad u dheer.”

“dhamaan shaqaalaha waxaa ay ahaayeen ku aad u wanaagsan, mana jirin wax kale” ayuu yiri Xuseen.

Waxaana uu intaa raaciyay in muranka  uu yimid ka dib markii isbedelo dhanka siyaasadda shaqada ah ay soo rogeen maamulka Cargill kaas oo ku aadan goobta shaqada iyo gudashada salaada.

Mike Martin, oo u hadlay xafiiska shirkadda  Cargil ay ku leedahay magaalada Minneapolis, ayaa sheegay in muranka  uu yimid markii shirkadda ay wax ka bedeshay shuruucda taas oo aan isbedel lagu sameyn ilaa sanadkii 2009.

“Cargill waxaa  ay sameysaa isku day xili kasta ah kaas oo fursado siinaya dadka diintooda  si looga fogaado is maandhaaf isla markaana ganacsiga soo saarsita hiilbka shirkadda aan dhibaato ku keeneynin,”  ayuu yiri .

Isagoo sidoo kale tilmaamay in sharciyada shirkadda ay yihiin kuwo dabacsan oo shaqaalaha u ogolaanaya in ay salaadooda dukadaan taas oo ku xiran  qeybaha ay ka howlgalaan lana xiriira shaqo maalmeedka shirkadda.

Martin ayaa sheegay  ku dhowaad 200 oo shaqaale ay ka maqanaayeen shaqadooda muddo sadex todobaad  oo xiriir ah isla markaana ay ku guul dareysteen in ay soo wargeliyaan maamulka shirkadda.

Maamulaha shirkadda ayaa la kulmay  qaar kamid ah shaqaalaha Soomaalida  iyo madaxda ururka shaqaalah kuwaas oo matalaya  ku dhowaad  2,000 saacadood shaqaalaha shaqeeya hase yeeshee waa ay ku guuldareysteen in ay xaliyaan muranka soo kala dhexgalay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Cargil.

Kadib markii 190 shaqaaale ay ku guuldareysteen in ay shaqada yimaadaan  muddo sadex maalin oo xiriir ah , “ heerka  xiliga shaqada ayaa la soo saaray ”  waxaana shaqaalahaasi  laga ceyriyay shaqadooda waxaa sidaa sheegay, Martin.

Cumar Jamaal ,  oo ah agaasimaha fulinta gudiga xuquuqul insaanka Soomaalida,  ayaa sheegay in maamuliyaasha  Cargill aysan fahmin waqtiyada dadka muslimiinta ah ay u baahan yihiin in ay gutaan waajibaadkooda inta lagu guda jiro shaqada.

Jamal ayaa sidoo kale sheegay in ururkiisa uu xiriir la sameeyay shirkadda Cargil hadii  shaqaalaha Soomaalida   ay shaqadooda dib u heli karaan.

” waxaan ku rajo weynahay, in ay jiri karaan sharciyo cad cad oo u taagan qof kasta in uu xalin karo dhibaatada heysata ,”  ayuu mar kale yiri.

Cargill ayaa waxaa u shaqeeya 155,000 oo shaqaale oo ka howlgala 68  wadanka, sida laga soo xigtay website shrikadda.

Previous Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka warfaafinta oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobbaadka-Dhageyso

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”

Wasiirka warfaafinta oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobbaadka-Dhageyso

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In