Shaqaallaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS ayaa tababar maanta uga furmay xarunta guddiga ee magaaladda Muqdisho.
Tababarkaan ayaa waxa uu socon doonaa Muddo labo maalin ah, waxaana Shaqaallaha lagu bari doonaa Qaabka guddiga uu u shaqeeyo iyo Qorshaha guddiga horyaalla ee u baahan in si dardar ah loo qabto.
Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS Sen. Abdi Xasan Cawaale Qeyb-diid ayaa furay tababbarkaan, waxaana shaqaallaha uu kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaan.
Sen. Qeyb-diid ayaa xusay in guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee BFS laga sugayo howlo culus, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay in si xowli ah howlahaasi loo qabto.