Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqadii Kastamka canshuuraha dekedda Boosaaso oo laga dhigay 24-saac+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shaqadii Kastamka canshuuraha dekedda Boosaaso oo laga dhigay 24-saac+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland  Axmed Yaasiin Saalax  oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee Dekedda Boosaaso ayaa sheegay in  shaqadii kastomka Cashuuraha ee dekedda Boosaaso laga dhigay 24 Saac si loogu fududeeyo ganacsatada inay alaabooyinkooda ay kala degaan  dekedda Boosaaso.

Shirkan jaraa’id oo uu wasiirka ku weheliyay Maamule k/xigeenka dekedda Boosaaso Dhagaxtuur ayay sheegeen in shaqo kordhinta kastamka Dekedda ay ka dabmaysay kaddib markii Maraakiib tiro badan iyo doonyo is biirsaday oo ay dib u dhigeen dabaylihii dhacayay xiliga xagaagu ay ku soo wajahayihiin, qaybtooda ay ku xiran yihiin dekeda Boosaaso.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Maamule K/xigeenka Dekedda oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay in shaqadii kastamka ay gaarsiiyeen ilaa 10 habeenimo si ay ugu adeegaan  Ganacsatadda, waxaana uu sheegay in maraakiibtii marka hore ku degi jirtay 5 maalmood, hadda ay ku degaan labo maalmood oo qura.

“ Shaqadii dekeda Boosaaso waa la bilaabnay, maraakiib ayaa soo wajahan, shaqadii dekeduna waxay u badatay maraakiib, waxaanuna go’aansanay inaanu u shaqayno ilaa 10 fiidnimo, shaqadii xiligii la qaban jiray 24 saac aanu ka dhigno si aan u dedajino shaqadii maraakiibta, anagoo baakinga maraakibitu nagu yar yahay awgeed” ayuu yiri Dhagax tuur

Wasiir K/xigeenka maaliyadda maamulka Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo safar shaqo ku yimid Boosaaso ayaa sheegay in wasaarada maaliyadda iyo ganacsatadu ay xiriir wanaagsan leeyihiin, waxaana suu sheegay in go’aanka lagu kordhiyay shaqada kastama cashuuraha uu yahay go’aan ka soo baxay madaxda sare ee Wasaaradda, si ay ula qaybsadaa culayska haysta ganacsatada Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed.

“ Annagu waxaanu had iyo jeer la qaybsaynaa  culayska ganacsatada iyo bulshadda, in baahidooda la daboolo, oo marka gaadiid tiro badan yimaado, waxaanu heegan u nahay inaanu 24 saac shaqayno, go’aankaasi waa mid aanu ku qaadanay inaanu u fududayno ganacsatada” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu   tilmaamay in cashuurtu ay tahay lafdhabarta dowlanimadda, wuxuuna  uu uga digay   ganacsatadda inay la baxdaan cashuuraha,  Wuxuu sheegay inay shuruuc iyo awaamiir cusub ka soo saareen dadka cashuurta musumaasuqa.

“ Waxaanu faraynaa ganacsatadda inay ku dadaalaan bixinta cashuuraha, oo aysan isku dayin dhinaca musuqmaasuqa iyo shaqsiga doonaya in cashuurta dowladda dhaafsiisto wax yar oo isku day ah, shaqaduna hadda waa ka bedelan tahay sidii hore, shuruuca iyo awaamiir farabadan ayaa laga soo saaray qofkuu isku daya inuu cashuurta la garab maro  goobta loogu talagalay

Wasiirku  wuxuu kaloo uu sheegay inay wasaaradu ay dib u eegis ku samayn doonto cashuuraha berriga oo isugu jirta labo dhinaca oo ah wanaagii, u dhimrintii shacabka puntland iyo dhinaca kale in la Saxo tariifooin khaldan oo aanu doonayno inaanu saxno.

Dekedda magaaladda Boosaaso oo ah isha dakhli ee ugu weyn Puntland oo xiligii xagaaga ay hoos u dhaceen Maraakiibta iyo doonyaha shixnadaha u sida ganacsatada ee ku soo xirta ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa mashaquul aad u badan, iyadoo markaabii iyo doonyo tiro badan ay ku soo fool leeyihiin , qaarkoodna ay sugayaan in laga dejiyo shixnadaha ay wadaan.

1 2 3 4unnamed

Previous Post

Daawo Sawirrada: Taliyayaasha XDS iyo AMISOM oo ka shiray Howlgal kadhan ah Al-Shabaab

Next Post

Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

Next Post
Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In