Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo looga hadlayay sharciga nidaaminta shidaalka Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada  batroolka iyo macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo qaar ka mid ah ganacsatada shidaalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qabyo qoraalka xeerkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Batroolka, isla markaana dhawaan ay meel marisay Xukuumadda Federaalka, waxaan xubnaha ka qayb galay ka mid ahaa Wasiirka batroolka iyo macdanta. Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda iyo Wasiiru dowlaha Wasaarada ganacsiga, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo xubno kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Cabdikariin Gabeyre oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in muhiimad weyn ay u tahay ganacsatada in xeer loo sameeyo shidaalka Soomaaliya ayna ku taageerayaan arrintaa Wasaaradda ku shaqada leh.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo xubin ka ah guddiga Kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kulankaas ayaa xusay in nidaamka sharcigan uu marayo marka Baarlamaanka loo gudbiyo marxalado kala duwan, ayna muhiimtahay in hadda laga baaraan dego waxyaabaha ka maqan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ganacsatada ku bogaadiyay in ay bixiyaan canshuurta si dowladda ay u noqoto dowlad adag oo wadanka ku baahda.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Muqtaar  Ibraahim ayaa tilmaamay in sharcigan uu soo maray heerar kala duwan, isagoo ganacsatada weydiistay in Wasaaradda ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda Xukuumadda Soomaaliya mudane Nuur Faarax Jimcaale oo gaba gabadii ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in dowlad nimada Soomaaliya ee curdunka ah ay muhiim u tahay wada shaqeyn in laga wada qayb , isagoo hoosgta ka xariiqay ahmiyada uu sharcigan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada.

 

 

 

 

Previous Post

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Maareeye: “Dadka sida sharci darrada u degan Ex-fiyoore haka guureen 10 cisho gudahood”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiir Maareeye: "Dadka sida sharci darrada u degan Ex-fiyoore haka guureen 10 cisho gudahood"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In