Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo looga hadlayay sharciga nidaaminta shidaalka Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada  batroolka iyo macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo qaar ka mid ah ganacsatada shidaalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qabyo qoraalka xeerkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Batroolka, isla markaana dhawaan ay meel marisay Xukuumadda Federaalka, waxaan xubnaha ka qayb galay ka mid ahaa Wasiirka batroolka iyo macdanta. Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda iyo Wasiiru dowlaha Wasaarada ganacsiga, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo xubno kale.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Cabdikariin Gabeyre oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in muhiimad weyn ay u tahay ganacsatada in xeer loo sameeyo shidaalka Soomaaliya ayna ku taageerayaan arrintaa Wasaaradda ku shaqada leh.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo xubin ka ah guddiga Kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kulankaas ayaa xusay in nidaamka sharcigan uu marayo marka Baarlamaanka loo gudbiyo marxalado kala duwan, ayna muhiimtahay in hadda laga baaraan dego waxyaabaha ka maqan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ganacsatada ku bogaadiyay in ay bixiyaan canshuurta si dowladda ay u noqoto dowlad adag oo wadanka ku baahda.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Muqtaar  Ibraahim ayaa tilmaamay in sharcigan uu soo maray heerar kala duwan, isagoo ganacsatada weydiistay in Wasaaradda ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda Xukuumadda Soomaaliya mudane Nuur Faarax Jimcaale oo gaba gabadii ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in dowlad nimada Soomaaliya ee curdunka ah ay muhiim u tahay wada shaqeyn in laga wada qayb , isagoo hoosgta ka xariiqay ahmiyada uu sharcigan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada.

 

 

 

 

Previous Post

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Maareeye: “Dadka sida sharci darrada u degan Ex-fiyoore haka guureen 10 cisho gudahood”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiir Maareeye: "Dadka sida sharci darrada u degan Ex-fiyoore haka guureen 10 cisho gudahood"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In