Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shil gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay KM13

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shil gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay KM13
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimmatay shil gaari oo ka dhacay degaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay ku warramayaan dad  goobjoogeyaal ah.

Gaari yar oo aroos ka keenay degmada Afgooye ayaa gaddoomay kaddib markii fariin laga waayay, halkaasna waxaa ku dhintay laba haween ah oo midkood uur lahaa iyo qof rag ah oo la tuhunsan yahay inuu ahaa darawalkii gaariga.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

“Shilku wuxuu u dhacay, gaarigu kaligiis ayuu ahaa kaddibna waa soo fariin goostay, darawalkii gaariga waday wuu celin waayay, gaarigu wuxuu ahaa gaari Afgooye aroos ka keenay, Xamar ayuu u soo waday” ayuu yiri qof goobj-googe ah oo la hadlay Radio Muqdisho.

Dadka ku dhaawacday ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dabiibo goobaha caafimaadka.

Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, badanaa waxaa ka dhaca shilal noocaan ah oo ay ku waxyeeloobaan dad badan.Gaadiidka oo xawaare sare lagu wado iyo jidka oo dhuuban ayaa inta badan sababa shilalka.

Previous Post

Ra’iisul-wasaaraha oo baarlamaanka u faahfaahinaya qorshaha xukuumadda

Next Post

Madaxweynaha oo sheegay in dalku isku filanaasho gaari doono-DHAGAYSO

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka Todobaadka kana jawaabay su’aalo “Dhageyso+Sawirro”

Madaxweynaha oo sheegay in dalku isku filanaasho gaari doono-DHAGAYSO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In