32 qof ayaa ku dhimatay 66 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil tareen oo maanta Jimco ah ka dhacay dalka Masar .
Sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka labo tareen oo aan xoog u socon ayaa waxsy isku hardiyeen magaalada Sohag.
Shaqaalaha gurmadka deg degga ah oo wata 36 ambalaas ayaa gaaray goobta, iyagoo la tacaalaya xaaladda dadka dhaawaca ah .
Wasaarada caafimaadka waxay sheegtay in qasaaraha uu intaa ka badan karo.