Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo Kale Duwan Oo Amniga Qeyb Ka Yahay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo Kale Duwan Oo Amniga Qeyb Ka Yahay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khamiis, August 6, 2015….Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulanka ay goob jog ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamadda. Waxana shirka looga hadlay qodobo dhowr ah.

Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay warbixinta amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga, waxana sidoo kale golaha warbixin siiyey Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay waxqabadka Ciidanka Booliska, caqabadaha horyaalla, hiigsigooda iyo howlaha muhiimka ah ee mudnaanta u leh. Golaha Wasiirada ayaana boggaadiyay dadaalka Saraakiisha ciidamada ammaanka ee lagu sugayo amniga guud ee dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Xukuumadda waxay xoogga saaraysaa in dalka laga xoreeyo cadowga isla markaana la sugo ammaanka, howlgaladii u dambeeyay ee Ciidamaddu Amnigu ka sameeyeen Muqdisho waxaa looga guuleystay burburinta goobo cadowgu iska soo abaabuli jiray. Tanani waxay marqaati u tahay gacanta aan ka helnay Shacabkeena Soomaaliyeed” ayuu yiri R.W Carte.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga dooday soo gudbinta Wasaaradda Caddaaladda ay soo gudbisay magacyada labada xubnood ee musharaxiinta Golaha Adeegga Garsoorka, waxana dood kadib wadajir u ansixiyay Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Wasiiru Dawlaha Bii’ada Mudane Burci Maxamed Xamza ayaa Golaha talo usoo jeediyey mamnuucidda in dalka lasoo geliyo bacaha lagu adeegto kuwaasoo dhib weyn ku haya bii’ada, bulshada iyo bilicda magaalooyinka dalkana ay wax u dhimayso, wuxuuna kaloo wasiiru dowluhu sharaxay dhibaatooyinka wasaqda elektroonigga iyo sida ugu haboon oo loo maarayn karo wasakhda noocyadeeda kala duwan, ha-noqoto tan Isbitaalada ama Elektroonigga. Sharcigan haddii la ansixiyo wuxuu door ka qaadan doono sidii dalka looga ciribtiri lahaa isticmaalka bacaha oo dhibaatooyin kala duwan leh.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Caynte ayaa isaguna ka hadlay Hanaanka samaynta Qorshe Qaran, wuxuuna soo gudbiyey habraaca sameynta qorshe qaran sanadka 2017 – 2019. isagoo sheegay in dalku uu galayo waji horumarin sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dalku yeesho Qorshe Qaran oo haga horumarinta dalka.
—DHAMMAAD–

49jnZfHSLtWrqG4jmZsJw78lMqNBPvk--Xi39rKdIGaUvFfY8rYA03E16zayPU8AwttmF1qMm42Bx4vy6e6ANmouIRmr_mvt7L-GNybrtf2Jv6jq42EfmzFmLHyfIxTmKuRJu0qtJiDUYOcLEw=s0-d-e1-ft a8cndYeoioxkihu1bl0nOLqF7HsZcBD9S7uStPyenEHskN0JjxSGg4RHs9sY9KNE7PslM2Gru2FxSvbi9ddNoycEaBCpwtOe64aUAObci1o744AHhLktQamTh9cKj_Y2vIizUS_01sKEcKnv9A=s0-d-e1-ft deOmzQWKUtcAvDmJGeaW58FeT0MlTacyFlKjEoWWTkeDJo8BiVU7fT5oe8nQTDDVGZkz1NtCG5zUfvmSXQJjJlM8fcibPmr8ifzNf9dOHqoMyv6LBteKv6SLLSwKxN-b7S2_cO8c14XLRYyakA=s0-d-e1-ft dNbAd8a2K_OztzPEzJ66Gw4c6nzLgZn4dxEjiKKONpwOnPiayZEt31rhxatpDlbmXsygf77TxXSsKRhjzsKiU-msaBGqXtCNXpxlmjDFyWYEOBTuow7VJEHEGObQqPYfVf3GsTt-JTlTuCHFEg=s0-d-e1-ft kNUK9N5e2j9eVFCu9XHX_CF8kXD6rgZPdqIHLm2ILN2rGR13IshZ34fsnJE1zMBMH3cvpcfb0V2bZoYmrUcFRehOihaX_EqHtEdnD3V9N1IB2JZGzjZqd_MyIAD_jKKJ_3zPa46T_1BWYPycUA=s0-d-e1-ft

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo La Wareegay Deegaano Hor Leh Oo U Dhexeeya Beledweyne Iyo Bula Burde

Next Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In