Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan arrimaha socdaalka dalalka IGAD oo ka furmay Muqdisho

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shir ku saabsan arrimaha socdaalka dalalka IGAD oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wadatashi ah oo uu soo qabanqaabiyay urur goboleedka IGAD, loogana hadlayo arrimaha socdaalka bulshooyinka dalalka ku mideysan Urur Goboleedka  ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankaan wadatashiga oo socon doona Muddo afar maalmood ah  ayaa looga doodayaa Sharciga isu-socodka xorta ah ee ee dadka IGAD, si dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay isku waafajiyaan siyaasadahooda dhinacyada Ganacsiga,Gaadiidka,isgaarsiinta,beeraha iyo Keyraadka dabiiciga ah iyo in dadku isku gudbaan, waxaana Shirkan ka qeybgalaya Masuuliyiin katirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah oo ay kamid yihiin Agaaismaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,xoghayaha joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaliiya ,wakiilo ka socda dowlad goboleedyada,Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee buulshada iyo mas’uliyiin katirsan QM ,Midowga Africa ,Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD  oo iyagu shirka soo qaban qaabiyay.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Ambasador Jamaaludiin Mustafa oo ku hadlayay magaca Xogahayaha Guud ee IGAD ayaa sheegay in shirkan uu daba joogi shirar isla sharcigan looga doodayo oo horay loogu qabtay qaar ka mid ah dalalka EGAD

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dwoladda Federaalka ah ee Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa xusay in isu socodka dalalka IGAD oo la hagajaiyo ay muhiim u tahay dalalka ka tirsan IGAD, ayna u horseedi karto hormar iyo wadajir.

 Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaaliya Cali Maxamed Cali ayaa ka qeybgalayaasha shirka ugu baaqay inay si qota dheer uga doodaan sharciga isu-socodka xorta ah ee dalalka IGAD, iyagoo ka eegaya danta dalka iyo dadka Soomalaiyeed.

 Wakiilada ka socday Qm,Midowga Yurub iyo Midowga Africa ayaa bogaadiyay in la sameeyo sharciga isu socdka xorta ah ee dalalka Urur Goboleedka IGAD ,iyagoona sheegay ijn Sharcigaan uu wax badan ka badali doono  dhaqaalaha Wadamada ku bahoobay IGAD iyo ilaalinta xuquuqda Qoxootiga maadaama dalalkan ay ku badan yihiin dadka qoxootiga oo isaga gudba Wadamada dariska ah.

Previous Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya

Next Post

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo abaalmarin gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muujiyay howlkarnimo

Next Post
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo abaalmarin gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muujiyay howlkarnimo

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo abaalmarin gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muujiyay howlkarnimo

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In