Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta tababar kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha u furay qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka.

Kulankan wadatashiga ah oo looga hadlayay tayaynta garsoorka dalka iyo sidii bulshada ku nool gobollada dalka loo gaarsiin lahaa dhismaha Maxkamadda guur guurta (Mobile Court), ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Cadaalladda ee Maamul goboleedyada dalka ka jira, garsoorayaal maxkamadeed iyo xubno kale, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Kulanka oo socon doono muddo labo cisho ah oo ay iska kaashanayaan Maxkamadda sare ee dalka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta UNDP ayaa mudada uu socda waxaa la isku dhaafsan doonaa aragtida ku aadan sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nidaam cadaalad ku suleysan.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa soo jeediyay inay lagama maarmaanta tahay in la tayeeyo ciidanka Asluubta, taasi oo lagu gaari karo cadaalad,.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiimtahay in la dhiso Maxkamadda guur guurta, si looga fogaado in bulshada ay kala tabato cadaalad darri.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jir oo isna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in ka qeyb galayasha kulanka looga fadhiyo inay tallooyin ku biriyaan hanaanka loo marayo dhismaha maxkamadda guur guurta.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo furay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada laga leeyahay dhismaha maxkamaddasi ay tahay in shacabka ku nool gobolada dalka, gaar ahaan deegaannada iyo degmooyinka dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab ee aysan ka jriin Maxkamad la gaarsiiyo adeegga garooska.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayuu Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu tababar lagu fahamsiinayo wadada loo marayo dhismaha maxkamadaasi u furay garsoorayaal iyo wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada dalka ka jira.

DSC08572 DSC08636 DSC08634 DSC08632 DSC08628 DSC08623 DSC08621 DSC08620 DSC08619 DSC08618 DSC08617 DSC08614 DSC08611 DSC08608 DSC08603 DSC08602 DSC08601 DSC08599 DSC08598 DSC08597 DSC08596 DSC08594 DSC08593 DSC08591 DSC08590 DSC08588 DSC08587 DSC08586 DSC08585 DSC08584 DSC08581 DSC08579 DSC08578 DSC08576

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In