Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta tababar kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha u furay qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka.

Kulankan wadatashiga ah oo looga hadlayay tayaynta garsoorka dalka iyo sidii bulshada ku nool gobollada dalka loo gaarsiin lahaa dhismaha Maxkamadda guur guurta (Mobile Court), ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Cadaalladda ee Maamul goboleedyada dalka ka jira, garsoorayaal maxkamadeed iyo xubno kale, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Kulanka oo socon doono muddo labo cisho ah oo ay iska kaashanayaan Maxkamadda sare ee dalka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta UNDP ayaa mudada uu socda waxaa la isku dhaafsan doonaa aragtida ku aadan sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nidaam cadaalad ku suleysan.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa soo jeediyay inay lagama maarmaanta tahay in la tayeeyo ciidanka Asluubta, taasi oo lagu gaari karo cadaalad,.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiimtahay in la dhiso Maxkamadda guur guurta, si looga fogaado in bulshada ay kala tabato cadaalad darri.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jir oo isna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in ka qeyb galayasha kulanka looga fadhiyo inay tallooyin ku biriyaan hanaanka loo marayo dhismaha maxkamadda guur guurta.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo furay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada laga leeyahay dhismaha maxkamaddasi ay tahay in shacabka ku nool gobolada dalka, gaar ahaan deegaannada iyo degmooyinka dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab ee aysan ka jriin Maxkamad la gaarsiiyo adeegga garooska.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayuu Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu tababar lagu fahamsiinayo wadada loo marayo dhismaha maxkamadaasi u furay garsoorayaal iyo wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada dalka ka jira.

DSC08572 DSC08636 DSC08634 DSC08632 DSC08628 DSC08623 DSC08621 DSC08620 DSC08619 DSC08618 DSC08617 DSC08614 DSC08611 DSC08608 DSC08603 DSC08602 DSC08601 DSC08599 DSC08598 DSC08597 DSC08596 DSC08594 DSC08593 DSC08591 DSC08590 DSC08588 DSC08587 DSC08586 DSC08585 DSC08584 DSC08581 DSC08579 DSC08578 DSC08576

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In