Monday, July 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 13, 2015
in Wararka
0
Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasaabad lagu xasuusanaayey, isla markaasina loogu duceynaayey Hidiya Xaaji Maxmaed oo sadaxdii bishan ay kooxo hubeysan oo aan naxeynin ku dileen magaalada Muqdisho kadib markii gaari ay wadatay ay ugu xireen walxaha qaraxa ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee wadanka Holland.

Muaanasabada oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Ururka Center For media ay dialogue iyo Xafiiska Warbahinta Qaranka Soomaaliyeed ee Wadanka Holland, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxda ururada ka jira wadanka Holland iyo Dadweyne kale kuwaasi oo si weyn u cambaareeyey dadkii ka danbeeyey dilka Hindiya Xaaji Maxamed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025

Xuseen Koofuroow oo ah Agaasimaha Guud ee Ururrka Center For Media and dialogue ayaa waxaa uu sheegay in uu ururkooda aad ugu xunyahay falkii lagu dilay Hindiya Xaaji waxana uu sheegay in ay aad u canbaareynayaan kooxaha dilkaasi ka danbeeyey, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ugu mahadceliyey sida uu is ku xilqaamay, isla markaana uu balanqaaday in Dowladda Soomaaliya ay carruurtaasi ka faalo qadeyso inta ay ka qaan gaarayaan.

Sahra Naaleeye oo ah Madax Mashaariicda ee Hay”ada FSAN ayaa waxaa ay sheegtay in ay aad ugu naxday markii ay maqashay Geerida Hidiya xaaji, iyadoo sheegtay in geeridaasi ay aheyd mid argagax leh, maadama ay aheyd bay tiri Hidia gabar korsaneysay carruur gaareysa 5 oo aabahoodna horey loodilay ,waxaana ay Wasiiraka Warfaafinta ku amaantay talaabadii uu qaaday mid aan horey loo arkin oo loo maray wado wanaagsan, dowladduna ugu baaqay in la sii adkeeyo arinkaasi

Magan Daahir oo ah Mucjisada Kubadda Miiska oo isana Munaasabada ka soo qeyb galay ,ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoyskii ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya, isagoo ku baaqay in Ammaanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed xil gaar ah la si ka saaro, shacabka iyo dowladduna ay is ka kaa shadaan sidii amaan buuxa loo heli lahaa kuwa dilka ka geysta soomaaliyana la horkeeno Cadaalada.

Guddoomiyaha Daladda ururada Midoobay ee FSAN Cali Waare ayaa waxaa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay adkeeyaan Guud ahaan Amaanka Shacabka Gaar ahaan wariyaasha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya buuyiri meel aan amnigeeda wanaagsaneyn isagoona intaasi ku daray in hadlakii ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu u taageeraayo Dowladdana ugu baaqay in arinkaasi ay adkeeso Xitaa hadii wasiirka hada jooga uu xilka baneeyo.

Xildhibana Faysal oo ka tirsan Xildhibaanada Dowladd Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya oo munaasabada ka soo qeyb galay ayaa waxaa uu sheegay dilkii Hidiya in uu ahaa mid si weyn looga wadanaxay ahaana mid qorsheysan oo ay fuliyeen kooxo Danbiilayaal ah oo aan ilaa iyo hada la qabanin isagoona intaasi ku daray in gabadha ay aheyd hooyo Carruur korsaneysay oo aan waxaba galabsan waxaana uu ugu baaqay laamaha amaanka in ay dabgalaaan kooxaha ka danbeeya dilkaasi.

12

1 2 3 4 5 6 7 8

W/D:- Cabdullaahi Maxamed Taajiroow

Previous Post

Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In