Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan wada tashiga ah ee looga hadlayay hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo la xisaabtanka hay’adaha heer maamul oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa ka qeyb galay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirro, Xildhibaanno, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Maamulada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka furmay Muqdisho.

Shirka oo socon doono muddo shan cisho ah ayaa waxaa lagu fala qeyn doonaa hanaanka Qaran ee loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladnimo.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Somaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in muddada uu socda shirka diiradda lagu saari doono qodobo aas aasi u ah nidaamka dowladaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ergada ka qeyb galaysa shirka ku soo dhaweeyay caasimadda, isagoo xusay in marka uu dhamaado shirkan uu kulan soo dhaweyn ah u sameyn doono.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka qeyb galayaasha kula dar daarmay in muddada uu socdo shirka ay tallooyin ku darsadaan qabyo qoraalka ku saabsan dhisidda dowladaha Hoose ee halku-dhigiisu yahay “Wadajir”.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Jaamacad Ilka-jiir oo furey shirka ayaa sheegay in dowladnimadu ay lafdhabar u tahay in la helo dowlado hoose oo awood leh, isla markaana daboola baahiyaha ay bulshada qabaan.

Previous Post

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay tuulooyin hoostaga degmada Jalalaqsi “Dhageyso”

Next Post

Madax howlgalka AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Next Post
Madaxweynaha iyo wakiilka midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti-Sawirro

Madax howlgalka AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In