Kulan looga hadlayay Horumarinta iyo dibu dhiska deegaanada laga saaray malayshiyaadka Al shabaab ee ka tirsan Gobolada jubbada hoose iyo gedo ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Jubbada hoose.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaarada arrimaha guddaha maamulka Jubbaland aynakasoo qeyb galeen qaar ka mid ah haayadaha Caawiya Soomaaliya Xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha guddaha Xukumada Federaalka Soomaaliya,Dowlada goboleedyada iyo Jubbaland waxaana inta Badan diiradda lagu saaray wada shaqeynta maamulka iyo haayadaha Deeqda bixiya.
Ugu horayn ayaa goobta ka hdalay Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha maamulka Jubbaland Mudane maxamed warsame darwiish ayaa sheegay in kulanka inta uu socday goobta lagu soo bandhigay talooyin iyo Fekrado ayku aadan iskaashiga Jubbaland iyo haayadaha Deeqaha bixiya.