Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan taageerada QM in lagu saleeyo Qorshaha Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Shir ku saabsan taageerada QM in lagu saleeyo Qorshaha Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho ku qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee (JSC) ee looga hadlo horumarka laga gaaray qaab-dhismeedka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Soomaaliya (2021-2025).

Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada, Mudane George Conway, waxaana diiradda lagu saaray doodo istiraatijiyadeed iyo waafajinta taageerada Qaramada Midoobay ee qorshayaasha mudnaanta u leh dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Shirka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa soo bandhigida iyo ansixinta Warbixinta Natiijooyinka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2023 iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee 2024-ka, waxaana dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay 2023 waxayna soo bandhigeen qorshaha istaraatiijiyadeed ee sanadka soo socda.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay iskaashigan, waxa uuna yiri, “ Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025) waxa uu daliil cad u yahay wada shaqaynta xooggan ee Dowladda Soomaaliya la leenahay hay’adaha Qaramada Midoobay, oo si wadajir ah kor u qaadeysa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka horumarineed ee joogtada ah (SDGs).

Waxaa naga go’an inaan xaqiijinno in horumarkan uu wax ka bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (2021-2025) waa qorshaha istaraatiijiyadeed ee hagaya taageerada wadajirka ah ee hay’adaha ee lagu xaqiijinayo Ajendaha 2030 ee Horumarinta Joogtada ah iyo Yoolalka Horumarka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Dhoola-tuska Ciidanka Qalabka sida ee 1-da Luulyo

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay ciidamo ku sugan deegaanka Wargaadhi

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay ciidamo ku sugan deegaanka Wargaadhi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay ciidamo ku sugan deegaanka Wargaadhi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In