Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir loo qabtay xildhibaanada haweenka ah ee Soomaaliya-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shir loo qabtay xildhibaanada haweenka ah ee Soomaaliya-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ujeedada shirkan loo qabtay haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka qeybgalka siyaasadda dalka ee haweenka, waxaana soo qaban qaabiysay hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada UNDP iyadoo furitaanka shirkana ay goob joog ka ahaayeen labada guddoomiye ee barlamaanka jamhuuriyadda, xubno ka socda baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo qaar kamid ah haweenka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Madaxa UNDP ee Soomaaliya, George Conway, ayaa sheegay in ay u jeedkoodu yahay in haweenka Soomaaliyeed lagu dhiirigeliyo doorka ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadda iyo sidii ay u heli laayeen xuquuqda ay dalka ku leeyihiin.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Deeqa Yaasiin  Yuusuf ayaa shirka ka sheegtay in kordheen tirada haweenka ah ee soo galay baarlamaanka dalka doorashadii u dambeysay, waxayna xustay in haweenka looga baahan yahay haweenka siyaasadda soo galay looga baahan yahay in ay ka warqabaan arimaha ka jira deegaan doorashooyinkooda.

Guddoomiyaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sheegay in haweenku ay kaalin muuqata ay ku leeyihiin horumarka dalka isla markaana xilligan ay tahay in isku duubni la yimaadaan.

Mudane Maxamed Sh Cismaan guddoomiyaha golaha shacabka oo hadal u jeediyay ka qeybgaliyaasha shirkan ayaa sheegay in caqabado badan ay ku hor gudban yihiin haweenka Soomaaliyeed dhanka siyaasadda hase ahaatee loo bahan yahay in arimo badan la fiiriyo marka laga hadlayo haweenka iyo siyaasadda.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale haweenka ku booriyay in ay yeeshaan ajende qaran oo tilmaamaya waxyaabaha haweenka ahmiyadda u leh.

Shirkan oo labo maalin ka socon doono magaalada Muqdisho ayaa ayaa lagu sheegay in uu bilow yahay shir sanadleh ah oo haweenka Soomaaliyeed loo qaban doono, iyadoo sidoo kale ka qeybgashay xubin ka socotay  baalamaanka dalka Uganda.

Previous Post

Askar tababar loogu soo xirey Kismaayo-Sawirro

Next Post

Wasiir arimaha dibadda oo la kulmay qaar kamid ah danjiriyaasha caalamka u fadhiya dalka-Sawirro

Next Post
Wasiir arimaha dibadda oo la kulmay qaar kamid ah danjiriyaasha caalamka u fadhiya dalka-Sawirro

Wasiir arimaha dibadda oo la kulmay qaar kamid ah danjiriyaasha caalamka u fadhiya dalka-Sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In