Shir looga arrinsanaayo xafladaha ay qaar kamid ah dhallinyarada fannaaniinta ah ku qabsanayaan Isbartiibada Eng Yariisow ee Degmada Cabdicasiis ayaa ka dhacey Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti).
Shirkaan ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Siciid, Taliye Ku-xigeenka Qeybta Guud ee Boliska Gobolka Banaadir Gashaanle Dhexe Siciid Cali Baryare iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir.
Kulankaan ayaa la isla qaatay xoojinta ahmiyadda ay bulshada Reer Muqdisho u leeyihiin gaar ahaan dhallinyarada ku nool Caasimadda iyo sidii loogu fududeyn lahaa Dhallinyarada kulamadooda,iyadoo ย tixgelinta koobaad la siinayo badqabkooda.