Shir looga hadlayay arrimo la xariira ka hortagga cudurada AIDS iyo TB-da oo ay ka qeybgaleen Marwooyinka Madaxweynahayaasha Qaaradda Afrika ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Bijiin ee Dalka Shiinaha Dadka.
Shirkaasi oo ay martigalisay Marwada 1-aad ee Madaxweynaha China Mrs Peng liyuan, waxayna kulmisay 50 Marwooyin Madaxweyne oo Afrikaan ah, si ay si wadajir ah isaga kaashadaan ka hortagga HIV AIDS iyo TB-da ee Qaaradda Africa,
Ugu dambeeyntiina Marwooyinka shirka ka qeybgalay ayaa wada saxiixday heshiis ku saleysan in Qaaradda Afrika ay noqoto sanadka 2030-ka mid ka xorowda AIDSka iyo TBda.