Shirkani oo galay maalintii labaad ayaa maanta waxaa looga hadalay hormarinta maamul gobaleedyada iyo sida dimaqoraayid dalka loo gaarsiin lahaa iyo kala sareenta sharciga aydoo ay ka soo qeybgaleen masuulayiin ka socday wasaarada arimaha gudaha, Gaashaandhiga,amniga,Cadaalada,Baarlamaanka, xubno ka socday midowga yurub iyo urarada bulshada rayidka.
Mas’uuliyiinta ka soo qeybgalay shirka ayaa waxay falanqeeyeen sida Midowga yurub lacaga deeqaha ugu talo galay in lagu hormirayo maamul goboleedyada iyo baahinta sharciga iyo dimaqoraadiyada in laga tashto si loogu daboolo baahiyaha jira,
Madaxa Iskaashiga Caalamiga Midowga Yurub Ms Daaara Fane ayaa warbaahinta Qaranka ugu warbaxisay waxyaabaha looga hadlay shirka, iyadoo sheegtay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, ayna si qoto dheer ay ugu hadleen maareynta deeqaha caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya iyo horumarinta maamul goboleedyada.
Xoghaya Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in ay u sheegeen xubnihii ka socday Midowga Yurub in muhiim ay tahay in lagu Wareejiyo dowladda Soomaaliya deeqaha Soomaaliya loona madaxbanaaneeyo si ay ay ugu maareyso baahiyaha jira.