Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Looga Hadlay Midninada Jubbaland Oo Doolow Shalay Lagu Qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir Looga Hadlay Midninada Jubbaland Oo Doolow Shalay Lagu Qabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa shalay waxaa ka furmey shir wadatashi ah oo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta gobolka Gedo.

Wadahadalkani ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland mudane C/llaahi Sh.ismaaciil Fartaag, waxaana shirka  ku wehelinayay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amnig Maamulka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish, Ku xigeenkiisa C/rashiid Xasan C/nuur, Wasiirka caafimaadka Xasan Daahir Yarow iyo guddoomiyaha gobolka Jubbada dhexe Mudane C/rashiid Jire Qalinle.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Dhinaca kale siyaasiyiinta aan ku qanacsaneyn hab u socodka Maamulka Jubbaland oo kala ahaa Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamed Yuusuf Awlibaax, C/raxmaan Axmed Amiin, Maxamuud Sayid Adan, iyo Cabdi Barre Shire ayaa iyaguna umatalayey dhinaca kale wadahadalka.

Wadahadalkani waxaa fududeynayey xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee lasoo dhaafey iyaguna ku sugnaa degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Shirkani oo qaatey saacado badan ayaa waxaa lagaga wada hadlayey sidii guud ahaan ummadda reer Jubbaland loo mideyn lahaa gaar ahaan siyaasiyiinta gobolka Gedo ee aan iskuwaafaqsaneyn nidaamka dowliga ah ee ka jira hadda gobolada Jubbaland oo lagu wado dhawaan inay ka hirgasho dowlad Goboleed cusub iyo nidaam dhamaystiran kadib doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhaceysa bishan 15-keeda.

Waxaa si dhamaystiran la isugu waafaqey in loo midoobo cadowga Jubbaland la iskuna raaco dhismaha iyo in dhidibada loo taago dowlad goboleedka Jubbaland ee ay dhisteen shacabweynaha reer Jubbaland oo uu hadda hogaanka u hayo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waqtigiisuna ku egyahay 15-ka bishan.

Madaxda iyo siyaasiyiinta uu wada xaajoodku dhexmarey ayaa isla gartey in waxkasta lagu xaliyo wadahadal iyo Isfahan oo aysan dhicin mardanbe in warbaahinta lagu baahiyo hadalo kala jabinaya shacbiga iyo ummada reer Jubbaland ee waqtiga dheer u soo dagaalamey ka dulqaaditaanka cadowga kuna guuleystey in ay dowlad  u dhanyihiin dhidibada u taagaan.

Wadahalkan ayaa lagu wadaa inuu soo idlaado maanta waxaan la filayaa in heshiiskan kaddib halkii lagasii ambaqaado dib u xoreynta deegaanada ku harey gacanta nabadiidka Alshabaab ayada oo uu hadda gobolka Jubbada dhexe kaliya ka dhimanyahay sadexda gobol ee Jubbaland ka koobantahay.

IMG_8277 IMG_8077 IMG_8078 IMG_8081 IMG_8198 IMG_8200 IMG_8203 IMG_8204 IMG_8205 IMG_8206 IMG_8207 IMG_8209 IMG_8243 IMG_8248 IMG_8264 IMG_8277 s

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In