Shirkan oo looga hadlayay baahinta Federaalka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda ay dowada Swisserland ay ku leedahay dalkani Kenya,waxaana ka soo qeyb galay wasaaradaha ay ka midka yihiin wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka,qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Cadaaladda,Amniga gudaha Maaliyadda,Dastuurka,gudaha madaxa banaan ee xuduudaha iyo safiirada fadhigoodu yahay dalkani Kenya ee wadamadooda uu ka dhaqan galay federaalka.
Wafdiga ka socday wasaaradaha Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig.
Shirkan oo maanta oo kaliya ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan.
Markii uu shirka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlada wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig.
Danjire Jamaal ayaa sheegay in shirkani looga hadlayay baahinta arrimaha federaalka ay ka soo qeyb galeen safiirada wadamada qaatay federaalka ilaa hadana ku dhaqma.
Danjiraha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka faaโideysaneyso khibradda ay wadamadani u leeyihiin federaalka iyo sida ay uga soo gudbeen caqabadihii la soo darsay markii ay qaadanayeen federaalka.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in ujeedada shirkani uu ahaa sidii federaalka ay qaadatay soomaaliya loo gaarsiin lahaa gobolada,degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.
Wasiiru dowlada ayaa sheegay in ay wax ka baranayaan wadamada mudada ku soo dhaqmayay federaalka.
โFederaal marka la yiraado waxaa u xil saaran wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka,lakiin wasaarad kasta meel ka soo galeysaa,tusaale ahaan wasaarada Maaliyadda oo kale waxa ay ka soo galeysaa sidii canshuuraha loo qaadi lahaa,wasaaradda Cadaaladda waxa ay ka soo galeysaa sida ay u shaqeyn lahaayeen maxkamadaha heerka dowlada dhexe iyo kuwa heerka dowlada goboleedba,sidaasi ayey dhammaan hayโadaha dowladu dowr ugu yeelanayaan arrimaha fedraalkaโAyuu yiri wasiiru dowlada arrimaha gudaha federaalka C/rashiid Maxamed Xidig.
Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa sheegay in muhiimada wasaaradda ay tahay in dadka Soomaaliyeed la baro waxa uu yahay federaal,isagoo intaasi ku daray in qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed ay u haaystaan in dalka la keenayo dastuuro ay ku dhaqmaan wadamo kale,halka qaar kalana ay u haystaan in wadanaka lagu kala jarjarayo.
Wasiiru dowlaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in federaalka uu yahay hab ay dadka soomaaliyeed sameysanayaan ma ahan in aan qaadaneyno federaal wadan kale,laakin mid aan annagu sameysanay oo ku saleysanย ย dhaqankeena,diinteeda,dhaqaalaheena iyo juquraafi ahaan halka aan ku naalo ayaan qaadaneynaa.
Sawir qaade: Xasan Cumar Baffo