Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu soo geba gebeeyay New York “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu soo geba gebeeyay New York “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya islamarkaana ay si wadajir ah u shir guddoominayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada News York ee dalka Mareykanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay waddamada taageera Soomaaliya, iyadoo looga hadlayay horumarrada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dhismaha maamullada, isku dhafka ciidamada, howlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyo hiigsiga 2016-ka.

Related posts

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madasha ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladda dalka ka jirta, horumarrada dowladda, qorshayaasha dowladda ee la xiriira hiigsiga 2016-ka, dib u eegista dastuurka, iyo ahmiyadda ay leedahhay isku dhafka ciidamada si looga maarmo ciidamada nabad ilaalinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bank Ki Moon ayaa sheegay in beesha caalamku ay dhinac taagantahay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in la dar dargeliya dib u eegista dastuurka iyo guddiyada doorashada ka hor inta an la gaarin 2016-ka.

Dhinaca kale R/wasaaraha dalka Britain David Cameron oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ciidamo u soo dirayo Soomaaliya kuwaasoo dhinaca tababarrada iyo qibradda ka gacan siiya ciidamada nabad ililaalinta AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka hor magaalada New York uga qeybgalay shirweynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

unnamed (2) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1) unnamed unnamed (1)

Previous Post

Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub Ee Somaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayay Oo Gaaray Baladweyne “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In