Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay horumarinta Bii’ada oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay horumarinta Bii’ada oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

[

Shirkan looga hadlayay horumarinta bii’ada oo ay soo qaban qaabisay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka bii’ada ayaa diiradda lagu saaray sida loo ilaalin lahaa deegaanka, bulshadana loo fahamsiin lahaa ahmiyada ay bii’ada u leedahay, si loo maareeyo marka uu isbadal dhanka cimilada ah dhaco, waxaana shirka ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee dhanka Bii’ada, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Xukuumadda, xubno ka socday Qaramada Midoobay, Urur goboleedka IGAD iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

January 3, 2026
Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

January 3, 2026

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa la isku raacay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeyso in Soomaaliya laga caawiyo dhanka horumarinta bii’ada.

Madaxa mashaariicda ee dhanka bii’ada iyo tamarta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay gacan ka geysan doonto sidii hay;’adaha Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka isbadalka ku yimaada cimilada.

“UNDP waxa ay hay’adaha dowladda Soomaaliya ka caawineysa dhanka cimiliada, horumarinta deegaanka iyo in bulshada la fahamsioyo ahmiyada bii’ada u leeyahay dalka”ayuu yiri 

Saidou Hamani oo ah madaxa isku xiraha hay;adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bii’ada ee Afrika ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ku faraxsanyahay socdaalka uu Muqdisho ku yimid, shirkana uu ahaa mid sare.

Saidou ayaa yiri “Muhiimadda koowaad, ama agandaha shirkan waxa ay la xiriirtaa isbadalka cimilada, waxa ay sidoo kale la xiriirtay kala duwanaanshiyaha noolaha,. Waxa ay la xiriirtay waxyaabaha kiimikada ah, waxaana la isku raacay in la sameeyo u guurgelid ama cilmi baaris”

Madaxa hay’adda daryeelka carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICE u qaabilsan dhanka bii’ada Dara Johnston ayaa sheegay in carruurta Soomaaliyeed ay saameyn ku yeelanayaan isbadalka cimilada, ayna jiraan dad qabo xanuuno kala duwan.

“Saameynta isbadalka cimiliada, waa mid saameyn karta carruurta Soomaaliyeed, sidoo kale saameyneysa deegaanka, waxay kaloo saameysay biyaha, waxaa jirta kiisas aan ka helnay dadka muhaajirinta ah ee ay saameeyeen isbadalka cimilada, kuwaasi oo aan baaritaano ku sameynay, saameynta ugu weyn carruurta ayay so gaarta, marka uu dhaco isbadal xagga cimiliada ah”ayuu yiri Dara Johnston.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul wasaaraha ee dhanka bii’ada Burci Maxamed Xamza aya sheegay in shirka uu socday muddo labo cisho ah, waxaana looga hadlay saameynta isbadalka cimiliada ay ku yeelan karto carrurteena iyo sida looga hortagi karo

‘Qiimeynta awoodeena ee xagga maamulka ee arrimaha bii;ada ayaa laga hadlay, waxaana la isku raacay in sare loo qaado aqoonta hay;adaha ka shaqeeya arrimaha bii’adaha, si loo maareeyo marka uu dhaco isbadal dhanka cimiliada ah”ayuu yiri Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee dhanka Bii’ada.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay “SAWIRRO”

Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia Praises Saudi Role in Advancing Yemeni Peace Efforts

January 3, 2026
0

The Federal Republic of Somalia commends the constructive and responsible role of the brotherly Kingdom of Saudi Arabia in advancing...

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

January 3, 2026
0

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo kaashanaya guutada 14-ka October iyo NISA ayaa si raami gacanta ugu dhigay deegaanka Jilib Marka...

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

January 3, 2026
0

Wasiirrada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si...

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

January 3, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaallya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 25-aad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In