Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay duubabka Dhaqanka iyo Haweenka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ku yeesheen Jowhar ayay ugu wada hadleen sidii haweenku ay u heli lahaayeen 30% ergada iyo barlamaanka Labada, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka socotay

Kulanka intii u socday waxa lagu gorfeeyay dardar galinta shirka Maamul u sameynta iyo habka lagu soo xulayo Ergada u codeynaysa dastuurka ay yeelanayaan dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe .

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026

Haweenka ayaa duubabka dhaqanka waxa ay ka dalbadeen inay xaqiijiyaan qoondadooda oo ah 30% inay ku yeeshaan Baarlamaanka  iyo xubnaha ergada labada gobol.

Duubabka dhaqanka ee labada gobol waxa ay muujiyeen inay diyaar yihiin qoondada Haweenka, loogana baahan yahay dhankooda inay ka shaqeeyaan sidii Dowlad Goboleedka dhidibada loogu taagi lahaa.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa tilmaamy in haweenka ay muhiim u yihiin geedi socodka Siyaasadda dalka, ayna muhiimtahay in ay helaan qoondada ay ku leeyihiin, si loo muujiyo doorka haweenka.

“Waxaa nagu soo fool leh xulidii ergada shirka Mamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay mas’uul ka tahay habkan , waxa ay rabtaa in haweenku door muuqdo ay ku lahaadaan maamul waliba inta dastuurka ku meel gaarka ah uu ogolyahay oo ah 30%, waxaan ka rajaynayaa duubabka oo leh soo xulida ergooyinka iyo Xildhibaanadaba inay arrintaas fududeeeyaan”ayuu yiri Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in ay bilawdaan soo xulista ergooyinka Shirka Maamul u sameynta.  loona gudbo wajiyada ugu dambeya ee shirka

vlcsnap-2016-05-11-15h23m02s119 vlcsnap-2016-05-11-15h23m10s212 vlcsnap-2016-05-11-15h23m18s44 vlcsnap-2016-05-11-15h23m32s175 vlcsnap-2016-05-11-15h23m41s32 vlcsnap-2016-05-11-15h23m51s119 vlcsnap-2016-05-11-15h24m04s3 vlcsnap-2016-05-11-15h24m13s90 vlcsnap-2016-05-11-15h24m20s156 vlcsnap-2016-05-11-15h24m26s221 vlcsnap-2016-05-11-15h24m39s92Cabdishakuur Cali Axmed Jowhar

Previous Post

Shir looga hadlayay horumarinta Bii’ada oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho

Next Post

Ciidamada Talyaaniga oo deeq caafimaad iyo agab kale gaarsiiyay xarumo muhiim ah

Next Post
Ciidamada Talyaaniga oo deeq caafimaad iyo agab kale gaarsiiyay xarumo muhiim ah

Ciidamada Talyaaniga oo deeq caafimaad iyo agab kale gaarsiiyay xarumo muhiim ah

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In