Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay oo ammaanka oo lagu qabtay Garowe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayo ammaanka ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe, kaasoo ay ka soo qeyb galeen ururrada bulshada, culimaa’udiinka iyo masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ugu horreyn faah faahin ka bixiyey shirkaas.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Shirkaan waxa loo qabtay waa shabaab in lala diriro, marka  inaga iyo shabaab ma dirirsannahay mise heshiis baa naga dhaxeeye arrintu ma joogto,  shabaab waan dagaalsannay heshiisna nagama dhaxeeyo. lkn haddii wax naga qaldanyihiin shacabka ha ahaato ama dawladda ha ahaatee waa la is baraarujinayaa”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Abdullaahi Cumar Camay oo ka hadlay shirkaas ayaa bulshada ku baraarujiyey inay dawladda kala shaqeeyaan nabadgelyada.

“Weligeen baan isku tashanjirnay waana isku tashandoonnaa, waxaana hubaa inaan ka adkaandoonno iyaga, waxaase loo baahanyahay midnimo inayu yeelanno,midnimaduna ay noqoto inagana qabqabashada iyo laynta noo daaya, idinkaga sheegista iyo far fiiqa aan idiin dayno”.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore ayaa isna ka hadlay shirkaas, isagoo wax ka xusay sifooyinka argagixisada iyo dadka u adeega.

“Argagixisadu waa urur aan wax xurmo ah u hayn diin, dhaqan,  sharaf iyo wax kasta oo bulshadu ay qadarin u hayso, su’aashu waxay tahay yey adeegsadaan? waxay adeegsadaan dadka sifooyinkaan leh, kuwa gooni socodka ah, dadka cuqdadaha qaba, kuwa noloshu ku adkaatay, dhalin yarada shaqo la’aanta ah, dambiilayaasha, kuwa waxbarashada ka saaqiday iyo kuwo la mid ah”.

Taliya ciidanka difaaca Puntland Siciid maxamed Xirsi ayaa mar uu ka hadlayey dagaalka ay ciidamada Puntland la galeen Argagixisada wuxuu yiri.

“Ciidamada Puntland laga soo bilaabo 2010 ilaa hadda oo ah 2015 waxay guluf dagaal ku qaadeen ayna cagta mariyeen deegaanadii iyo goobihii ay ku sugnaayeen , mar kastana waxay diyaar u yihiin inay ku filnaadaan difaaca dalka”.

Shirkaan ayaa socondoono muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli deegaanada Puntland laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo lagu adkaynayo ammaanka.

Previous Post

Guddoomiye Jawaari: “Xukuumaddu waa inay gacanta dowladda ku soo celisaa furaha 252”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In