Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sida looga faa’iideysan karo waxsoo saarka dalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Sida looga faa’iideysan karo waxsoo saarka dalka oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ku saabsanaa hormarinta wax soosaarka dalka iyo iyo Maalgashiga uu u baahan yahay dalkeena ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow, Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xubno ka socday Wasaaradaha Waxsoorka leh iyo khubaro Madaxbanaan oo shirka lagu casumay.

Shirka oo mudo dhowr saacadood ah socday ayaa la isku weydaarsaday talooyin muhiim ah oo la xiriira in Soomaaliya ay si wanaagsan uga faa’iideysato waxsoosaarkeeda iyo in dunida loo gudbiyo furasadaha maalgashi ee dalka uu leeyahay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Siciid Xaaji Maxamuud ah oo ah mas’uul ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa kulanka kadib u sheegay Warbaahinta Qaranka in wadatashi laga yeesho arrimaha wax soo saarka ay tusaale u tahay in Soomaaliya ay xilligan horumar badan sameysay.

“Waxaa maanta shirkan isugu yimid Wasaarado iyo Hay’ado badan oo u yimid meeshan inay muujiyan Soomaaliya maanta inay ka maarantay tuugsi ah inay caalamka wax weydiisato iyo inay diyaar u tahay inay wax soo saarto, waxa ay soo saartana dunida u iib geyso, waxaana halkan isugu yimid Wasaaradihii waxsoosaarka lahaa iyo Wasaaradda Qorsheynta oo howsheeda tahay inay urruuriso macluumaadka ay soo gudbiyaan Wasaaradahaas si dunida loogu beec geeyo” ayuu yiri Saciid.

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumada Federaalka Somaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow oo isna la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa xusay in shirkii maanta ay qabteen loogu talagalay soo uruurinta macluumaadka dhaqaalaha dalka iyo meelaha ku haboon wax soosaarka iyo Maalgalinta.

“Shirka maanta aan qabanay waxa uu la xirriray Soomaaliya sidii maalgashi loogu sameyn lahaa sidaa la socotaan Soomaaliya waa dal barwaaqo ah, ujeedka waxa uu yahay caalamka inaan la xiriirno si loo helo maalgashi haboon, gaar ahaana Hay’adaha iyo Wasaaradaha Waxsoosaarka , shirkan wuxuu sigaar ahmiyad ugu leeyahay waa shir loogu talagalay Wasaarada Qorsheynta iyadoo kaashaneysa Wasaarada arrimaha dibadda inay uruuriyaan macluumaadka dhaqaalaha dalka iyo meelaha ku haboon waxsoosaarka, gaar ahaan ay sameynayaan Wasaaradaha Kaluumeysiga, Beeraha, Ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna gogol xaar u yahay shirar lagu qabanayo dalalka Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta oo looga hadli doona horumarinta iyo maalgelinta Soomaaliya”ayuu yiri Prof Qaloocow.

Previous Post

Ogeysiis Shaqo Banaan:-Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadaneya Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ka Shaqeynaya Dariseynta Iyo Isku Xirka Boliiska Iyo Bulshada

Next Post

Cabdiweli Gaas oo Gaalkacyo kula kulmay odoyaal dhaqameed “SAWIRRO”

Next Post
Cabdiweli Gaas oo Gaalkacyo kula kulmay odoyaal dhaqameed “SAWIRRO”

Cabdiweli Gaas oo Gaalkacyo kula kulmay odoyaal dhaqameed “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In