Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

shir looga hadlayay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo la soo gaba-gabeeyay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
shir looga hadlayay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo la soo gaba-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa shalay gelinkii danbe magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirka dhinaca dhaqaalaha,Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac C/llaahi Maxamed,Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud,Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan,aqoonyahano Soomaaliyeed,ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo warmuriyadeed laga soo saaray.

“Shirka wuxuu ku saabsanaa saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidii looga tala bixin lahaa guud ahaan,shirkan runtii muhiimad gaar ah ayuu u lahaa Soomaalida sababtoo ah waxaa meesha ku dooday oo warqado tira badan oo cilmi-baaris ah soo jeediyay Professoro,aqoonyahano,Quburo Soomaali ah,iyo kuwo turki ah,waxyaabo badan baa laga hadlay sida xiriirka siyaasadda,xiriirka diblomaasiyadda,xiriirka dhaqaalaha,xiriirka horumarka,waxbarashada iyo Caafimaad,” ayuu yiri Danjire Jaamac C/llaahi Maxamed.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda East Afrika for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul,wafdigii ka qeyb galay shirka ayaa isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista oo muhiimad gaar ah u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Qatar oo ka baxeysa Ururka dhoofiya shidaalka ee OPEC

Next Post

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo xuska maalintii la aasaasay.

Next Post
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo xuska maalintii la aasaasay.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo xuska maalintii la aasaasay.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In