Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

shir looga hadlayay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo la soo gaba-gabeeyay

admin by admin
December 3, 2018
in Wararka
0
shir looga hadlayay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo la soo gaba-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa shalay gelinkii danbe magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirka dhinaca dhaqaalaha,Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac C/llaahi Maxamed,Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud,Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan,aqoonyahano Soomaaliyeed,ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo warmuriyadeed laga soo saaray.

“Shirka wuxuu ku saabsanaa saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidii looga tala bixin lahaa guud ahaan,shirkan runtii muhiimad gaar ah ayuu u lahaa Soomaalida sababtoo ah waxaa meesha ku dooday oo warqado tira badan oo cilmi-baaris ah soo jeediyay Professoro,aqoonyahano,Quburo Soomaali ah,iyo kuwo turki ah,waxyaabo badan baa laga hadlay sida xiriirka siyaasadda,xiriirka diblomaasiyadda,xiriirka dhaqaalaha,xiriirka horumarka,waxbarashada iyo Caafimaad,” ayuu yiri Danjire Jaamac C/llaahi Maxamed.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda East Afrika for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul,wafdigii ka qeyb galay shirka ayaa isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista oo muhiimad gaar ah u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Qatar oo ka baxeysa Ururka dhoofiya shidaalka ee OPEC

Next Post

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo xuska maalintii la aasaasay.

Next Post
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo xuska maalintii la aasaasay.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo xuska maalintii la aasaasay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In