Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shir looga hadlay tayeynta ciidanka Booliska “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shir looga hadlay tayeynta ciidanka Booliska “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen wakiillo ka kala socday caalamka, kaasoo looga hadlayay dib u habeynta ciidanka Booliiska.

Kulankan oo looga hadlayay qorshaha dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda F. S. saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa waxaa shirgudoomiyay wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaasha wadamada Britain, iyo Italy oo halkaasi ka hadlay ayaa wasaaradda amniga gudaha ee X. F. Soomaaliya ku bogaadiyay qorshaheeda ku wajahan dib u habeynta ciidanka booliiska , iyadoo danjiraha Britain uu halkaasi ka sheegay in dowladiisu qorshahan ku bixineyso 14 Milyan Doolar.

Wasiirrada ka soocday maamulgoboleedyada hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qoryayaasha wasaaraddu ay ku horumarineyso ciidamada ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaasi ka sheegay in lagu guuleystay tirakoobka ciidamada booliiska, isagoo dalbaday in ciidamada laga taageero baahiyaha heysta si ay ugu guuleeystaan hanashada ammaanka guud ee dalka.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow oo kulankaasi soo xiray ayaa tilmaamay in kulankani uu qeyb ka yahay qorshayaasha wasaaradda eek u wajahan dib u tayeeynta ciidamada si u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya si fatahaadaha loogu maareeyo.

Next Post

Akhriso: Khudbad Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare maanta uu ka jeediyey Daah furka Shirka Dib U eegista Dastuurka+Sawirro

Next Post
Akhriso: Khudbad Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare maanta uu ka jeediyey Daah furka Shirka Dib U eegista Dastuurka+Sawirro

Akhriso: Khudbad Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare maanta uu ka jeediyey Daah furka Shirka Dib U eegista Dastuurka+Sawirro

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In