Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shir looga hadlay tayeynta ciidanka Booliska “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shir looga hadlay tayeynta ciidanka Booliska “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen wakiillo ka kala socday caalamka, kaasoo looga hadlayay dib u habeynta ciidanka Booliiska.

Kulankan oo looga hadlayay qorshaha dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda F. S. saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa waxaa shirgudoomiyay wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaasha wadamada Britain, iyo Italy oo halkaasi ka hadlay ayaa wasaaradda amniga gudaha ee X. F. Soomaaliya ku bogaadiyay qorshaheeda ku wajahan dib u habeynta ciidanka booliiska , iyadoo danjiraha Britain uu halkaasi ka sheegay in dowladiisu qorshahan ku bixineyso 14 Milyan Doolar.

Wasiirrada ka soocday maamulgoboleedyada hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qoryayaasha wasaaraddu ay ku horumarineyso ciidamada ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaasi ka sheegay in lagu guuleystay tirakoobka ciidamada booliiska, isagoo dalbaday in ciidamada laga taageero baahiyaha heysta si ay ugu guuleeystaan hanashada ammaanka guud ee dalka.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow oo kulankaasi soo xiray ayaa tilmaamay in kulankani uu qeyb ka yahay qorshayaasha wasaaradda eek u wajahan dib u tayeeynta ciidamada si u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya si fatahaadaha loogu maareeyo.

Next Post

Akhriso: Khudbad Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare maanta uu ka jeediyey Daah furka Shirka Dib U eegista Dastuurka+Sawirro

Next Post
Akhriso: Khudbad Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare maanta uu ka jeediyey Daah furka Shirka Dib U eegista Dastuurka+Sawirro

Akhriso: Khudbad Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare maanta uu ka jeediyey Daah furka Shirka Dib U eegista Dastuurka+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In