Shirkaani oo looga Tashanayey hormarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, dardar galinta qorshaha wasaradda waxbarashada xukumadda Soomaaliya ay ku doonayso in sanadkaan ay ardayda ka soo baxaya dugsiyada sare ee koofurta iyo bartamaha kaga qaado imtixaan midaysay, samaynta manhaj waxbarasho oo midaysan iyo qobada kale ee laxiirta arimaha waxrabashada dalka ayaa manta ka furmay magalaada
muuqdisho.
Shirkaani oo logu magacdaray aas-aaska wada tashiga midnimada waxbrashada Soomaliyeed isla markaana aysoo qaban qaabisay wasaradda wax barashada Soomaliya waxaa ka qayb galay xubno ka socday
mamaulada goboladda dalka iyo aqoonyahano.
Wasiirka waxbarashada hidaha iyo taclinta sare ee xukumadda Soomaaliya marwo Qadar Bashir Cali oo shirka furtay ayaa wax ka waydiiyey waxyabah shirkaan looga hadlayo mudo 2 cisho ah ee socdo
“inan kada hadalno imtixaanka midaysan , imtixaankii midaysnaa, imxixaankii midaysanaa oo lo bahan yahay in gobolada dhan ay heegan u noqdan ,hadda walahen kuli waa wada hegan waa wada diyaar howshii waa inoow adan , imtixaankuna waa inoo hirgali donaa allah haduu yiraahdo , mida 3aad waa inan ka hadalno sidii minxooyinka labiyo loo wada qaysan lahaa oo gobol kasta wixii ku adan oo xaq ah loo siin lahaa loo lagu aadin lahaa , 4aad waxaa waaye waa inan kawada hadalno si aayadiinka ardayga Soomaliyeed oo muqararka iyo manhajkiisa
an ugu wada tashan lahayn,iyo sidii lays kugu diyaarin lahaa sanad “ayey tiri wasiir Qadar.
Marwo Qadar Bashir Cali Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare oo wan wax ka waydiiyey qorsha wasaradda uga degsan qaybbinta deeqa waxbarasho ee ay hesho ayaa tilmaantay in ardayda sanadkaan
wasaradu ay ka qaadayso kuwa gala kaalimaha sare ay helo doonan deeqo waxbarasho.
“Ardaydaan imtixaanka galeysakuwa ugu sareysane kuli deeqo wax barasho ayey heli doonaan ardayda ugusareysa boodooyinkooda deeqo wax barasho ayaa la siindoonaa marka waxa ay noqon doontaa een een deeqahaan baxbarasho waxaan u qeybsan doonaa is xaq oo cadaalad ah oo gobal walba saameyneysa ardey kastana awood siineyso in ay wax barato dad badan ayaa laga tagay dad badan ayaa laga leexiyay dad badana waa laga tagay “ayey tiri wasiirka waxbarashada Soomaliya.
Qorsha wasaradda waxbrasha iyo tacliinta sare ay ku doonayso in sanadkaan ay qaado imxixaan midaysan 24 sano kadib ayaa qayb ka ah hormaradda ku talaabsanyan hay’adda kale duwan ee dowlada
federaalka soomaliya.
SAWIR QAADE QADAR CALI NUUR