Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo qiimeynta adeegyada Caafimaadka oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo qiimeynta adeegyada Caafimaadka oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furtay shirka qiimeynta adeegyada Caafimaadka iyo Wadashaqeynta  Wasaaradda iyo Hey’adaha ka shaqeeya Caafimaadka  ee sanadka dhamaanaya 2021 iyo qorsheynta Shaqada, wadashaqeynta iyo isla xisaabtanka ee sanadka dhalanaya 2022-ka

Shirkaan oo uu si rasmi ah uu u furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Jamac, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Mudane Cabdiraxman Maxamed Diiriye (Makaawi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug qaybaheeda kala duwan, Hey’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan UNICEF, WFP, WHO, UNOCHA, Hey’adaha ka shaqeeya Caafimaadka Galmudug iyo qayba kale.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Shirkaan  oo socon doona Labada maalin ee soo aadan ayaa waxaa ka soo bixi doona qodobo ay ka mid yihiin waxa qabsoomey sanadkan, waxa aan qabsoomin, qaladaadka dhacay ee u baahan in la saxo, waxyaabaha mudan in la joogteeyo, qorsheynta wax qabadyada sanadka soo socda iyo Qaabka loo hormarinayo wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hey’adaha kale ee caalamiga ah.

Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa xusay inay la imaan doonaan qorshe howled cad oo ku qeexan waxyaabaha u qabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka iyo Dr. Cabdiweli  Cabdulaahi Jaamac Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa ugu dambeyn u jeediyay hey’addaha gargaarka in waajibaadka saaran ay u gutaan sida ugu hufan, lana xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeyso Galmudug iyo hay’adaha caalamiga ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

Next Post

3 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
3 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar “SAWIRRO”

3 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In