Shir looga hadlayo sidii loo qabyo tiri lahaa qorshaha horumarinta Qaranka ayna soo qabanqaabisay Wasiirka Qorsheynta ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah wajigii labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socota maamul goboleedyada, iyo qeybaha bulshada rayidka ah, waxana shirkan kii ka horeeyay lagu qabtay magaalada Baydhabo.
iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Sheehk Yuusuf Cali Caynte iyo wasiirradda dowladda gobaleedyada, ururada bulshadda rayidka. qeybaheeda kala duwan.
Iyadoo shirka lagu wado in saacada soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayaa sidii loo qeybo tiri lahaa qorshaha horumarinta Qaranka Somaaliyeed , waxaana wadatashi lala yeelandioonaa shacabka Soomaaliyeed dhamantooda si loo hagaajiyo istiraatiijiyadda horumarinta dalka ee dhinca wax soo saarka dhaqaalaha iyoa arimo kale.
Shirkan ayaa wajigiisii hore lagu qabtay magaalada Badhabo bishii aynu soo dhaafnay iyado ay ka qeybgaleen mas’uulayiinta dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada iyagii isku raacay waxyaabaha turxaan baxinta u baahan qorshaha in laga saaro waxii talo ahna lagu biiryo.