Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo sidii loo mideyn lahaa qaadista hanaanka Canashuuraha dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka oo socon doona muddo 5 maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Banigiga adduunka, waxaana ka soo qeybgalay wasaaradda maaliyadda ee DFS iyo wasaaradaha maaliyadaha ee maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa hanaanka canashuuraha soo gala guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana si aad ah u soo dhoweeyay xubanaha ka socday maamul goboleedyada dalka.

Related posts

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

January 15, 2026
Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026

C/qafaar C/laahi oo ka socday Banigaga adduunka iyo qaar kamid ah xubnaha wasaaradaha maaliyadaha ee  maamul goboleedyada dalka oo hadallo kooban ka jeediyay goobta ayaa si aad ah u soo dhoweeyay shirkan, iyagoo sheegay in wax badan oo dan u ah dadka iyo dalka ay ka soo bixi doonaan.

“ Maanta waxaa halkaan shir isugu yimid mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha maaliyadda federaalka iyo gobollada, waxaa laga hadlayaa sidii ay isugu keeni lahaayeen dhaqaalahooda, maanta waxaa xoogga la saarayaa sidii canashuuraadka qaarkood la isku waafajin lahaa” ayuu yiri C/qafaar oo ka socday Banigaga adduunka.

“ Halkaan waxaan u nimid shir ku saabsan mideynta maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada, waxaa aad looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa canshuuraha” ayuu yiri C/casiis Maxamuud Xuseen oo ka socday maamul goboleedka Galmudug.

“ Shirkan runtii shirar hore iyo dadaal badan oo la soo sameeyay ayuu daba socdaa, dadka jooga ee isugu yimid waa dadkii gacanta ku haayay dhaqaalaha dalka haddii ay noqon laheyd federaalkii iyo maamul goboleedyada” ayuu yiri Maxamed Kaamil Yuusuf oo ka socday maamul goboleedka Jubbaland.

Dhankiisana, Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in muhiimadda ugu weyn ee shirkan ay tahay sidii loo mideyn lahaa hanaanka canshuuraha dalka.

“ Ujeedka ugu weyn ee shirkan uu ku saabsanyahay waxa uu yahay sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, waxaa ka soo qeybgalay wasaaradda maaliyadda ee DFS iyo  wasaaradaha maamul goboleedyada dalka, waxaan rajeyneynaa in uu guul ku soo dhaamado” ayuu yiri Abuukar Sheekh Axmed Mursal.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo+Sawirro

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta furay tababar ku saabsan Hanti-dhowrka Gudaha, kaas...

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In