Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u na dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Shirka ayaa waxaa maanta ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Sii Hayaha Safaaradda Ingiriiska.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadinayo laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, qiimaynta awoodda kaydinta hubka ee hadda jirta si loo qeexo baahiyaha dhiman, samaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa Ururrada Argagagixisada ah, iyo dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhammaan Mas’uuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah.

Ugu Dambayn, Mas’uuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyada oo dhanka kale ay Danjireyaasha Saaxiibbada Caalamka ee ka soo qayb galay Shirka si weyn u soo dhoweeyeen Qorsheyaasha iyo Soodeejinta Soomaalida.

Previous Post

Wasiirka Gaashandhigga oo gaaray Magaalada Doxa

Next Post

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Next Post
Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In