Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u na dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Shirka ayaa waxaa maanta ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Sii Hayaha Safaaradda Ingiriiska.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadinayo laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, qiimaynta awoodda kaydinta hubka ee hadda jirta si loo qeexo baahiyaha dhiman, samaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa Ururrada Argagagixisada ah, iyo dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhammaan Mas’uuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah.

Ugu Dambayn, Mas’uuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyada oo dhanka kale ay Danjireyaasha Saaxiibbada Caalamka ee ka soo qayb galay Shirka si weyn u soo dhoweeyeen Qorsheyaasha iyo Soodeejinta Soomaalida.

Previous Post

Wasiirka Gaashandhigga oo gaaray Magaalada Doxa

Next Post

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Next Post
Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In