Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Shir lagu go’aamiyey diiwaanta hubka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u na dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Shirka ayaa waxaa maanta ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Sii Hayaha Safaaradda Ingiriiska.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,ย  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadinayo laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hayโ€™adaha amniga dalka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, qiimaynta awoodda kaydinta hubka ee hadda jirta si loo qeexo baahiyaha dhiman, samaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa Ururrada Argagagixisada ah, iyo dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhammaan Mas’uuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigayย  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada ooย  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah.

Ugu Dambayn, Mas’uuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyada oo dhanka kale ay Danjireyaasha Saaxiibbada Caalamka ee ka soo qayb galay Shirka si weyn u soo dhoweeyeen Qorsheyaasha iyo Soodeejinta Soomaalida.

Previous Post

Wasiirka Gaashandhigga oo gaaray Magaalada Doxa

Next Post

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Next Post
Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In