Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda FS iyo Walaalaheenna Somaliland oo ka furmay Jabuuti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda FS iyo Walaalaheenna Somaliland oo ka furmay Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Jabuuti waxaa goor dhaweyd si rasmi ah uga furmay wadahadalo walaaltinimo ah oo u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale, iyo wafdi kale oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi. iyadoo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Wakiilo ka kala socday Mareykanka, Midowga Yurub iyo IGAD

Related posts

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026
Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

March 6, 2026

Shirka oo uu marti geliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii xal waara looga gaari lahaa tabashooyinka Walaalaheenna Somaliland.

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogto waxa ay si weyn ugu dhaga taagayaan natiijada kasoo baxi doonta shirka, waxaana laga rajeynayaa Alle idinkii inuu noqdo mid guuleysta, oo la isu laab xaaro isla markaana la isu tanaasulo, iyadoo la eegayo maslaxadda guud ee Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Previous Post

Mareykanka oo soo dhaweeyey wadahadalada Dowladda FS iyo Soomaaliland

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay isbitaal laga hirgelinayo deegaanka Af-barwaaqo

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay isbitaal laga hirgelinayo deegaanka Af-barwaaqo

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay isbitaal laga hirgelinayo deegaanka Af-barwaaqo

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

March 6, 2026
0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ABAAL MARINNO LACAGEED GUDDOONSIIYAY TARTAMEYAASHA KAALIMAHA HORE KA GALAY TARTANKA QURAANKA EE BISHA RAMADAAN   Muqdisho,...

Gobolka Banaadir oo isu xilqaamay afurinta dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo isu xilqaamay afurinta dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho

March 6, 2026
0

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalin kasra si rasni ah loga fuliyaa barnaamij samofal ah oo lagu talagalay in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In