Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle oo maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle oo maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar.

Shirka waxaa ka qeyb galayWasiirrada wasaaradaha Qorsheynta iyo gargaarka ee dowladd gobaleedka Hirshabeele, qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Khubaro kale.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026

Shirkan Wadatashiga ah ayaa socan doona muddo saddex maalmood ah iyada oo la la tashanayo wasaaradaha, Ganacsatada, Ururrada bulshada rayidka ah, dadka fatahaadaha ku barakacay iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakacayaasha ee ka howl gala dowlad goboleedka Hirshabeele.

Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynaynaa Qorshe Howleedka Istaraajiyadda Xalka Waara taas oo muhiimad gaar ah ka maamul ahaan noo leh, waayo waxaa dhib xooggan nagu haysa maareynta Arrimaha fatahaadda, abaaraha iyo barakaca tirada badan ee ka jira gobalka marka waxaan idinka rajeynaa in Xal Waara oo aan wax uga wada qaban karo in uu ka soo baxo wadashigan”.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa tiri “ Muhiimadda safarka degmada Jowhar waxa ay tahay sidii aan u diyaarin lahayn Qorshe Howleedka Istaraajiyada Xalka Waara ee dowlad gobleedka Hirshabeele, taas oo naga caawinaysaa sidii aan ugu gun gaari lahayn arrimaha barakaca ee ay keenan abaaraha, fatahaada iyo colaadaha”.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DGH Mudane Cabdi Mahad Cabdullaahi
“waxaan bogaadinayaa howshan baaxadda leh ay isla wadaan Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Gobaleedka Hirshabeele, ka wasaarad ahaan in aan garab ka gaysano sidii Xal Waara looga gaari lahaa dadka uu saameyay barakaca saameynta ku yeeshay waan naga go’an tahay.

Mudane Saadiq Salaad Warsame Wasiirka Wasaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeele oo furay shirka wadashiga ayaa yiri “in aan maanta ka wada hadalno diyaarinta qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara 2021-2022 ee Dowlad Gobaleedka Hirshabalee waa talaabo weyn waana ku faraxsan nahay in dowlada dhexe gacan naga siiso arrinka sidii aan Xal Waara ugu gaari lahayn waxyaabaha ay ka mid yahiin barakaca ay keena fatahaada iyo abaaraha”.

Sidoo kale wasiirka kula dar daarmay madaxda iyo saraakiisha ka socda dowlad gobaleedka Hirshabeelle in ay maskax tuujin fiican ay sameeyn sidii aan wax wanaagsan oo ah kuwa wax ku ool ah ugu qaban dadkeenna ee ku dhiban deegaanada maamulkeenna marka waa in aan xooggeenna galino diyaarinta Qorshe howleedka Istaraajiyadan Xalka Waara 2021-2022 dowlad goableedka Hirshabeelle.

Previous Post

Saraakiil ka tirsan Ciidan xoogga oo tababar miino baaris ah loogu soo xiray Beledweyne

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In