Saturday, September 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle oo maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
August 21, 2021
in Wararka
0
Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle oo maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar.

Shirka waxaa ka qeyb galayWasiirrada wasaaradaha Qorsheynta iyo gargaarka ee dowladd gobaleedka Hirshabeele, qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Khubaro kale.

Related posts

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

September 12, 2025

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025

Shirkan Wadatashiga ah ayaa socan doona muddo saddex maalmood ah iyada oo la la tashanayo wasaaradaha, Ganacsatada, Ururrada bulshada rayidka ah, dadka fatahaadaha ku barakacay iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakacayaasha ee ka howl gala dowlad goboleedka Hirshabeele.

Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynaynaa Qorshe Howleedka Istaraajiyadda Xalka Waara taas oo muhiimad gaar ah ka maamul ahaan noo leh, waayo waxaa dhib xooggan nagu haysa maareynta Arrimaha fatahaadda, abaaraha iyo barakaca tirada badan ee ka jira gobalka marka waxaan idinka rajeynaa in Xal Waara oo aan wax uga wada qaban karo in uu ka soo baxo wadashigan”.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa tiri “ Muhiimadda safarka degmada Jowhar waxa ay tahay sidii aan u diyaarin lahayn Qorshe Howleedka Istaraajiyada Xalka Waara ee dowlad gobleedka Hirshabeele, taas oo naga caawinaysaa sidii aan ugu gun gaari lahayn arrimaha barakaca ee ay keenan abaaraha, fatahaada iyo colaadaha”.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DGH Mudane Cabdi Mahad Cabdullaahi
“waxaan bogaadinayaa howshan baaxadda leh ay isla wadaan Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Gobaleedka Hirshabeele, ka wasaarad ahaan in aan garab ka gaysano sidii Xal Waara looga gaari lahaa dadka uu saameyay barakaca saameynta ku yeeshay waan naga go’an tahay.

Mudane Saadiq Salaad Warsame Wasiirka Wasaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeele oo furay shirka wadashiga ayaa yiri “in aan maanta ka wada hadalno diyaarinta qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara 2021-2022 ee Dowlad Gobaleedka Hirshabalee waa talaabo weyn waana ku faraxsan nahay in dowlada dhexe gacan naga siiso arrinka sidii aan Xal Waara ugu gaari lahayn waxyaabaha ay ka mid yahiin barakaca ay keena fatahaada iyo abaaraha”.

Sidoo kale wasiirka kula dar daarmay madaxda iyo saraakiisha ka socda dowlad gobaleedka Hirshabeelle in ay maskax tuujin fiican ay sameeyn sidii aan wax wanaagsan oo ah kuwa wax ku ool ah ugu qaban dadkeenna ee ku dhiban deegaanada maamulkeenna marka waa in aan xooggeenna galino diyaarinta Qorshe howleedka Istaraajiyadan Xalka Waara 2021-2022 dowlad goableedka Hirshabeelle.

Previous Post

Saraakiil ka tirsan Ciidan xoogga oo tababar miino baaris ah loogu soo xiray Beledweyne

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

September 12, 2025
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dolwad goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa duleedka magaalada Laascaanood kulan is xogwareysi ah kula yeeshay...

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In