Saturday, May 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka 2-aad ee Afrika/Turkey Forum oo ka socda Istambuul “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka 2-aad ee Afrika/Turkey Forum oo ka socda Istambuul “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Related posts

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

May 16, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

May 16, 2026

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga “SAWIRRO”

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka gaar ah oo looga hadlay dadka Deegaanka Sh Dhexe oo Maleeshiyada Al Shabaab ladagaalamay

Next Post
Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo balan qaaday inay joogteynayaan la dagaallanka Al-Shabaab SAWIRRO”

Dhegeyso Barnaamijka gaar ah oo looga hadlay dadka Deegaanka Sh Dhexe oo Maleeshiyada Al Shabaab ladagaalamay

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo fulinaysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhaqan-galinta doorasho Qof iyo cod...

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In