Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dastuurka heer federal iyo Heer DG oo lagu soo gabagabeeyay baydhabo+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Shirka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dastuurka heer federal iyo Heer DG oo lagu soo gabagabeeyay baydhabo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Muddadii uu socday kulan waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqayn ee u dhexeeeya wasaaradaha Dastuurka ee labada heer, aqoon iswaydaarsi ku saabsan maamulka iyo maaraynta, qorshaynta, wacyigalinta iyo latashiyada arrimaha dib-u-eegistadastuurka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka June 2020 iyo tallaabooyinka muhiimka ee la qaadayo si loo gaaro yoolkaas.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Sidoo kale, waxaa ay ka qayb galayaasha ku soo bandhigeen talooyin dhowr ah oo ku aadan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan sidii loo wajihi lahaa arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed si loo helo dastuur dhamaystiran.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka koonfur galbeed Jeylaani Abdullaahi Xaaji oo ku hadlay magaca agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka dowlad goboleedyada ayaa soo dhoweeyay kulamada nuucaan oo kale ah isagoo xusay in cilmi iyo warbixin dhammaystiran ay imminka ka haayaan heerarka uu marayo geedi socodka dastuurka, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo kulamada farsamo ee wasaardaha dastuurka labada heer.

Ugu dambayn, agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka XFS mudane Mohamed Abuukar Zubayr oo kulanka so xiray ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la iswaydaarsado xogaha quseeya maamulka, qordhaynta, wacyigalinta iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda si dhammaan agaasimayaasha ay ula socdaan heerarka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.

“Door wayn ayaa noo furan ka farsamo ahaan in aan ku yeellanno geedi socodka dib-u-eegista dastuurka, si aan u xaqiijinno in la soo gabagabeeyo dastuurka june 2020” ayuu yiri agaasimaha Guud ee Wasaaradda dastuurka XFS Mohamed Abuukar Zubeyr.

Gabagabdii waxaa lagu ballamay in la sii dardargeliyo howlaha dib-u-eegista dastuurka islamarkaana Wasaaradaha dastuurka ee heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan sidii ay aragti uga keeni lahaayeen qaabka loo wajahayo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed si looga gaaro heshiis kama dambays ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Aswan Kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada+Sawirro

Next Post

Shacabka dalka Ingiriiska oo saaka oo u dareeraya doorasho dalkaas ka dhacda

Next Post
Shacabka dalka Ingiriiska oo saaka oo u dareeraya doorasho dalkaas ka dhacda

Shacabka dalka Ingiriiska oo saaka oo u dareeraya doorasho dalkaas ka dhacda

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In