Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida maalgelinta cimillada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NFC).

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada Soomaaliya iyo sida ay muhiimka u tahay in laga faa’iidaysto. Intii uu socday shirkaan ayaa si guud lagu qiimeyay baahiyaha maalgelinta cimillada, iyadoo sidoo kale doodo lagula yeeshay kulanka Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ee ku saabsan hal-abuurka maaliyadeed, hoggaanka NCF, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loo diyaarinayo bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta nidaamka Isbeddelka Cimillada.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026

Shirkaan ayaa waxaa warbixno ku saabsan hannaanka helitaanka maalgelinta maaliyada cimilada ku soo bandhigay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ,Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray helitaanka maalgelinta cimilada iyo fursadaha ka jira Sanduuqa Cimilada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkaan oo socday shantii maalin ee lasoo dhaafay waxaa uu aas-aasi u ahaa in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu diyaar garowdo inay si toos ah u hesho maalgelinta cimilada, loona maamulo si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaajaya,” ayuu yiri Liban Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NCF.

Soomaaliya hadda waxay ku tiirsan tahay hay’ado kale oo caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga, si loogu fuliyo mashaariicda cimilada, inkastoo ay tahay dalka ugu hooseeya marka laga hadlayo qiiqa ka dhasha isbeddelka cimilada, sidoo kalena ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimillada.

Waxaa shirka sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada, iyo Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo UK FCDO Pioneer Country Trials oo Soomaaliya ku biirtay intii lagu jiray COP28 laba sano ka hor sidoo kalena taageero farsamo siiyaa Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya (NCF).

Previous Post

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In