Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida maalgelinta cimillada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NFC).

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada Soomaaliya iyo sida ay muhiimka u tahay in laga faa’iidaysto. Intii uu socday shirkaan ayaa si guud lagu qiimeyay baahiyaha maalgelinta cimillada, iyadoo sidoo kale doodo lagula yeeshay kulanka Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ee ku saabsan hal-abuurka maaliyadeed, hoggaanka NCF, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loo diyaarinayo bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta nidaamka Isbeddelka Cimillada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Shirkaan ayaa waxaa warbixno ku saabsan hannaanka helitaanka maalgelinta maaliyada cimilada ku soo bandhigay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ,Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray helitaanka maalgelinta cimilada iyo fursadaha ka jira Sanduuqa Cimilada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkaan oo socday shantii maalin ee lasoo dhaafay waxaa uu aas-aasi u ahaa in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu diyaar garowdo inay si toos ah u hesho maalgelinta cimilada, loona maamulo si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaajaya,” ayuu yiri Liban Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NCF.

Soomaaliya hadda waxay ku tiirsan tahay hay’ado kale oo caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga, si loogu fuliyo mashaariicda cimilada, inkastoo ay tahay dalka ugu hooseeya marka laga hadlayo qiiqa ka dhasha isbeddelka cimilada, sidoo kalena ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimillada.

Waxaa shirka sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada, iyo Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo UK FCDO Pioneer Country Trials oo Soomaaliya ku biirtay intii lagu jiray COP28 laba sano ka hor sidoo kalena taageero farsamo siiyaa Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya (NCF).

Previous Post

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In